Wasiirrada Biyaha iyo Jidadka Oo Dardargelinaya Mashaariic Horumarineed Oo Ka Fuli Doona Gobollo Kala Duwan

0
Tuesday July 07, 2026 - 11:44:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 47
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirrada Biyaha iyo Jidadka Oo Dardargelinaya Mashaariic Horumarineed Oo Ka Fuli Doona Gobollo Kala Duwan

    Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin



Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland, Maxamed Cabdimaalik Axmed, iyo Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Jidadka iyo Gaadiidka, Cismaan Ibraahim Nuur (Af-Gaab), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay masuuliyiinta hay’adaha NIS Foundation iyo NRC si loo dardargeliyo mashaariicda horumarineed ee ka socda gobollo kala duwan.



 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa kaabayaasha biyaha iyo jidadka ee gobollada Sanaag, Saaxil, Togdheer iyo Maroodi-jeex, iyadoo xoogga la saaray xoojinta iskaashiga iyo isku-dubbaridka u dhexeeya labada wasaaradood iyo hay’adaha fulinaya mashaariicda.


 

Masuuliyiinta ayaa ka wada hadlay dardargelinta hirgelinta mashaariicda socda iyo sidii loo xaqiijin lahaa in bulshada gobolladaasi ay helaan adeegyo tayo leh oo dhinaca biyaha iyo gaadiidka ah.


 

Labada wasiir ayaa sheegay in biyaha iyo jidadku ay yihiin kaabayaal muhiim u ah koboca dhaqaalaha, fududaynta isku socodka iyo horumarinta nolosha bulshada, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqayn wax-ku-ool ah oo u dhexaysa dowladda iyo hay’adaha iskaashiga la leh.


 

Gabagabadii kulanka, labada dhinac ayaa ku heshiiyey in la xoojiyo wada-shaqaynta, lana dedejiyo fulinta mashaariicda qorshaysan, si loo xaqiijiyo horumar waara oo faa’iido u leh bulshada iyo guud ahaan dalka.

Loading...
Loading...