Laba Askari Oo Gaadhi Qori Saaran Yahay Wata Oo Ku Biiray Ciidanka Qaranka Somaliland
Laba askari oo watay gaadhi ay saaran tahay qori culus ayaa ku biiray Ciidanka Qaranka Somaliland, iyaga oo soo gaadhay Taliska Aagga Bari, kadib markii ay ka yimaadeen deegaannada Bariga Gobolka Sool, halkaas oo ay muddooyinkii u dambeeyey ka tirsanaayeen ciidan ka hawlgalayay deegaanka.
Taliyaha Aagga Bari ee Ciidanka Qaranka Somaliland, Gaashaanle Sare Maxamed Cabdi Cabdille (Fanax), ayaa sheegay inay si diirran u soo dhoweynayaan cid kasta oo doorata inay ku soo biirto Ciidanka Qaranka Somaliland.
Waxa uu xusay in ciidamadaasi ay ku soo noqdeen dalkoodii iyo ciidankoodii, isla markaana loo dammaanad qaadayo xuquuqdooda iyo in laga wada shaqayn doono wixii ay tabasho ka qabaan.
Waxa uu yidhi:
"Waxaad u timaaddeen dawladdiinnii iyo ciidankiinnii. Waa aynu wada joognaa, waanan wada tashanaynaa, waxa aad ku qanacsan tihiinna waa la idiin samayn.”
Dhankooda, labada askari ee ku biiray Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin go’aanka ay ku soo noqdeen ciidankii ay hore uga tirsanaayeen, iyaga oo xusay inay dib ugu soo laabteen dalkoodii iyo dadkoodii.


0 





