Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Bilowday Dib-u-eegista Qorshaheeda Lixda Bilood
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa bilowday shir dib-u-eegis lagu qiimaynayo waxqabadkii lixdii bilood ee hore ee sannadka, si loo dardargeliyo hirgelinta qorshaha istaraatiijiga ah ee wasaaradda.
Shirka oo soconaya muddo saddex maalmood ah ayaa lagu falanqaynayaa waxqabadkii waaxyaha kala duwan, guulihii la gaadhay, caqabadihii soo baxay iyo qorshayaasha lagu horumarinayo shaqada muddada lixda bilood ee soo socota.
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda, Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa sheegay in dib-u-eegistan ay muhiim u tahay xaqiijinta yoolalka wasaaradda, kor u qaadista isla xisaabtanka iyo hubinta in qorshayaasha siyaasadda arrimaha dibadda loo fuliyo si hufan oo waxtar leh.
Waxa uu sidoo kale xusay in shirka lagu lafa-guri doono caqabadihii la kulmay waaxyaha kala duwan, si xal loogu helo loogana hortago inay dib u soo noqdaan, taas oo sare u qaadaysa tayada iyo wax-ku-oolnimada shaqada wasaaradda.
Gabagabadii, Agaasimaha Guud ayaa ku boorriyey shaqaalaha inay sii laba-jibaaraan dedaalkooda, iyaga oo xusay in Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ay tahay wejiga Somaliland ee caalamka, isla markaana ay muhiim tahay in shaqadeeda lagu saleeyo aqoon, xirfad, hawlkarnimo iyo masuuliyad qaran.


0 





