Warbaahin Caalami Ah: Itoobiya Oo Xoojinaysa Iskaashiga Somaliland Iyo Imaaraadka Si Ay U Hesho Marin Badeed

0
Monday July 06, 2026 - 09:53:02 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 61
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Warbaahin Caalami Ah: Itoobiya Oo Xoojinaysa Iskaashiga Somaliland Iyo Imaaraadka Si Ay U Hesho Marin Badeed

    Warbixintu waxay sidoo kale xustay in La-taliyaha Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in La-taliyaha Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya,



Warbaahinta Inside Africa ayaa sheegtay in dowladda Itoobiya ay qorshaynayso inay sii xoojiso iskaashiga ay la leedahay Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dowladda Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE), iyadoo ujeeddadu tahay in xal waara loogu helo caqabadaha ka dhashay bad la’aanta Itoobiya.


 

Sida lagu sheegay warbixinta oo uu soo xigtay Wargeyska Dawan, masuul sare oo ka tirsan dowladda Itoobiya ayaa tilmaamay in Dekedda Berbera iyo maalgashiga lagu sameeyey Waddada Berbera Corridor ay laf-dhabar u yihiin qorshaha Itoobiya ee lagu horumarinayo ganacsiga iyo isku xidhka gobolka Geeska Afrika.



 

Warbixintu waxay sidoo kale xustay in La-taliyaha Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Getachew Reda, oo ka hadlay madasha UAE–Africa Dialogue ee Addis Ababa, uu sheegay in Itoobiya ay muhiimad gaar ah siinayso iskaashiga ay la leedahay Imaaraadka Carabta si loo hirgeliyo mashaariic waaweyn oo dhinaca kaabeyaasha dhaqaalaha ah, kuwaas oo ka qayb qaadanaya fududaynta ganacsiga iyo helitaanka marinno badeed.


 

Sidoo kale, Inside Africa ayaa sheegtay in Dowladda Imaaraadka Carabta ay qorshaynayso maalgelin dheeraad ah oo lagu horumarinayo waddooyin casri ah iyo khad tareen oo isku xidha Somaliland iyo Itoobiya, si loo xoojiyo isu socodka badeecadaha iyo koboca dhaqaalaha gobolka.


 

Warbixintu waxay intaas ku dartay in intii uu socday shirka UAE–Africa Dialogue la saxeexay heshiis is-afgarad (MoU) oo u dhexeeya Machadka Arrimaha Dibadda ee Itoobiya iyo Anwar Gargash Diplomatic Academy ee Imaaraadka Carabta, kaas oo lagu xoojinayo iskaashiga diblomaasiyadeed, maalgashiga iyo xidhiidhka dhaqaale ee labada dal.

Loading...
Loading...