Guddoomiyaha WADDANI Oo Ku Baaqay Midnimo Iyo Ilaalinta Dawladnimada Somaliland

0
Sunday July 05, 2026 - 18:31:26 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 41
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Guddoomiyaha WADDANI Oo Ku Baaqay Midnimo Iyo Ilaalinta Dawladnimada Somaliland

    Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey



Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xasan, ayaa ugu baaqay shacabka Somaliland inay adkeeyaan midnimada, wadajirka iyo ilaalinta dawladnimada, isaga oo sheegay in horumarka qaranku ku iman karo isku duubni iyo iskaashi.

 

Xirsi Cali Xasan ayaa xusay in dalka aanu u baahnayn wax kala qaybin iyo colaad abuura, balse loo baahan yahay in bulshada ay u midoobaan difaaca danaha qaranka iyo xoojinta wada noolaanshaha.

 

Guddoomiyuhu waxa uu sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in la ilaaliyo dawladnimada, isla markaana la taageero dedaallada lagu xoojinayo qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku baaqay in bulshada ay saxaan wixii khaldan, isku dulqaataan, kana wada shaqeeyaan horumarka dalka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Dalkani cid docadocaysa oo kala qaybisa uma baahnee, isku duubni ayaynu wax ku noqonaynaa. Noloshu kama maaranto adkaysi, horu-socod iyo inaad garab u hesho waxaad doonayso. Shacabka JSL, waxaan ugu baaqayaa aan dawladnimada ilaashanno, ictiraafka aan hareeraha ka qabanno, wixii ka qaldanna saxno, isla markaana aynu isku dulqaadanno.” – Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xasan.


Loading...
Loading...