Somaliland Oo Hambalyo U Dirtay Maraykanka Munaasabadda 250 Guurada Xornimadiisa

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa hambalyo u dirtay
Dowladda iyo shacabka Maraykanka munaasabadda 250-guurada ka soo wareegtay
maalintii uu dalku qaatay xornimada.
Qoraal ay soo saartay Somaliland ayaa lagu sheegay in labada
dhinac ay ka dhexeeyaan xidhiidh ku dhisan is-ixtiraam iyo dano wadaag, iyadoo
la adkeeyey sida ay Somaliland uga go’an tahay sii xoojinta xidhiidhka iyo
iskaashiga ay la leedahay Maraykanka.
Somaliland ayaa sidoo kale muujisay rajada ay ka qabto in
labada dal ay sii ballaadhiyaan wada-shaqaynta dhinacyada nabadda, horumarka,
barwaaqada iyo iskaashiga caalamiga ah, iyada oo lagu salaynayo qiyamka ay
wadaagaan iyo xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya labada shacab.


0 





