Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galay Argentina

0
Sunday July 05, 2026 - 18:06:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 56
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Shir Caalami Ah Kaga Qayb Galay Argentina

    Ka qaybgalka Somaliland ee madashan ayaa muujinaya dedaallada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka qaybgalka Somaliland ee madashan ayaa muujinaya dedaallada

 

May be an image of text

Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa ka qayb galay Shirweynaha Guddoomiyeyaasha Latin America (Latin America Chairman's Conference), oo lagu qabtay magaalada Buenos Aires ee caasimadda dalka Argentina.

 

Shirka oo socday intii u dhexaysay 28 illaa 30 Juun 2026 ayaa waxaa isugu yimid masuuliyiin sare, xildhibaanno, diblomaasiyiin iyo wakiillo ka socday hay'ado caalami ah, kuwaas oo ka wada hadlay xoojinta iskaashiga, wada-hadallada gobollada kala duwan, iyo horumarinta xidhiidhka caalamiga ah.

 

Ka qaybgalka Somaliland ee madashan ayaa muujinaya dedaallada sii kordhaya ee ay ku ballaadhinayso xidhiidhkeeda diblomaasiyadeed iyo sidii ay u dhisi lahayd iskaashi caalami ah oo ku salaysan is-ixtiraam, nabad, xasillooni iyo horumar wadajir ah.

 

Safarka Wasiirka ee Argentina ayaa imanaya xilli Somaliland ay sii xoojinayso joogitaankeeda madalaha caalamiga ah, iyadoo dadaal ugu jirta kobcinta xidhiidhka ay la leedahay dalalka Latin America iyo qaybaha kale ee dunida.

Loading...
Loading...