Xildhibaan Shaadh Oo Su'aal Ka Weydiiyey Wasaaradda Waxbarashada Manhajka Taariikhda Halganka Somaliland
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh) ayaa su’aal u jeediyey Wasaaradda Waxbarashada, isaga oo weydiiyey inay qorshaynayso in manhajka waxbarashada lagu daro taariikhda halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo kaalintii geesiyaashii Mujaahidiinta ee naftooda u huray difaaca dalka.
Xildhibaanka ayaa sheegay in muhiim ay tahay in jiilasha soo koraya lagu barbaariyo aqoonta taariikhda qaranka, si ay u fahmaan halgankii loo soo maray dib ula soo noqoshada qaranimada iyo doorkii halyeeyadii u soo halgamay jiritaanka Somaliland.
Waxa uu yidhi:
"Wasaaraddu ma qorshaynaysaa in manhajka waxbarashada lagu daro taariikhda halgankii dib-u-xoreynta Somaliland iyo geesiyaashii Mujaahidiinta ee naftooda u huray difaaca dalka?" – Xildhibaan Cabdiraxmaan Cismaan Xasan (Shaadh).


0 





