Guddoomiyaha WADDANI: "Aqoonsiga Somaliland Weli Waa La Sii Dhammaystirayaa"
Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xasan, ayaa sheegay in siyaasiyiinta, madaxda iyo masuuliyiinta kusoo biiraya xisbiga ay la wadaagayaan himilada shacabka ee ku aaddan qaddiyadda aqoonsiga Somaliland, isaga oo ku tilmaamay arrintaasi mid muddo dheer la sugayay.
Xirsi Cali Xasan ayaa xusay in shacabka Somaliland ay 35 sano sugayeen in himiladooda aqoonsigu rumoowdo, isla markaana ay weli socdaan dadaallada lagu gaadhsiinayo heerka ugu sarreeya ee diblomaasiyadda caalamka.
Guddoomiyuhu waxa uu sheegay in qorshuhu yahay in la sii xoojiyo dedaallada diblomaasiyadeed iyo kuwa siyaasadeed, si Somaliland u hesho kaalinta ay ku leedahay beesha caalamka, isla markaana ay ka mid noqoto waddamada si buuxda uga qayb qaata hay’adaha caalamiga ah.
Waxa uu intaas ku daray in xisbiga WADDANI uu sii wadi doono taageerada uu u hayo dhammaan dadaallada lagu xoojinayo qaranimada, midnimada bulshada iyo horumarinta xidhiidhka Somaliland la leedahay caalamka.
Guddoomiye Xirsi ayaa ugu dambayn sheegay in himilada aqoonsigu ay tahay yool qaran oo u baahan midnimo, wadajir iyo dedaal joogto ah si loo xaqiijiyo guul waarta.


0 





