Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Oo Dib U Hawlgelisay Website-keedii Rasmiga Ahaa
Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Somaliland ayaa shaacisay in dib hawada loogu soo celiyey website-keedii rasmiga ahaa, kaasi oo dhawaan uu ku dhacay weerar dhinaca internet-ka (cyber attack) ah.
Qoraal ay Wasaaraddu soo saartay ayaa lagu sheegay in website-ku hadda si buuxda u shaqaynayo, isla markaana uu caadi u adeegayay 24-kii saacadood ee u dambeeyey, kadib markii la soo dhammaystiray hawlihii dib-u-soo-celinta iyo xaqiijinta amnigiisa.
Wasaaraddu waxay sheegtay inay qaaday tallaabooyin farsamo oo lagu xoojiyey amniga website-ka, isla markaana la adkeeyey nidaamyada ilaalinta si looga hortago weerarro la mid ah kuwa dhacay.
Sidoo kale, Wasaaraddu waxay uga mahadcelisay shacabka Somaliland dulqaadka iyo taageerada ay muujiyeen muddadii uu website-ku si ku-meel-gaadh ah uga maqnaa adeegga.
Ugu dambayn, Wasaaradda Arrimaha Dibadda ayaa shacabka ku boorrisay inay adeegyada iyo xogaha rasmiga ah ka isticmaalaan website-ka Wasaaradda, maadaama uu hadda dib ugu soo laabtay shaqadiisii caadiga ahayd isla markaana si buuxda u shaqaynayo.


0 





