Ololaha Siyaasadeed Ee Socdaa Iyo Danta Dalka
Ka dib booqashadii guusha ee madaxweynahu ku tegay Israiil, waxa bilaabmay olole siyaasadeed oo dalka galiyey xaalad u eg mid doorasho dadkiina kala qaybiyey.
Soo dhoweynta shakhsiyaad kasoo digarogtay xisbi oo mid kale ku biiray iyo siyaasiyiin isu jawaabaya ayaa si maalinle ah saxaafadda looga daawadaa.
In kasta oo ololhani uu banaanka keenay mowqifka aan la filayn ee siyaasiyiinta qaar, waxa Iyana fursadan ka fiidaysanaya madaxdhaqameedkii doorasho ku macaashka ahaa oo koofiyadahoodii boodhka kasoo tuntay iyo wadaadii ganacsatada ah oo meelo kale laga soo dhaqaajiyey oo si badheedha uga hor imanaya guusha qaran ee xukuumadu soo hoysay halka ay u doodayaan falastiiniyiin, Sucuudiga, Turkiga iyo Jabuuti.
Waxa isna dhex socda oo olole wada madaxweynihii hore oo la leeyahay wuxuu ku fekerayaa inuu dib isu soo rashaxo. Waxa yaabka yaabkiis ah in madaxweynihii aynu ogeyn halkuu ina dhigay sidaana in ku dhow 70% codbixiyeyaashu ku diideen uu ugu haysto in la jecel yahay oo mar dambe la dooran doono.
Inkastoo ay dhaqanka dimuqraadiyadda tahay in mudada gaaban ee doorashadu socoto dadku kala qaybsamaan maadaama xisbiyo kala duwani tartamayaan, ololahan hadda socda iyadoon doorasho dhawayn wuxuu kusoo beegmay xilligii aynu ugu baahi badnayn isku duubni si aynu wadajir u difaacano dalka ugana faaidaysano guulaha ay xukuumadu soo hoysay.
Waxa la isweydiinayaa waxa keenay in loo jihaysto olole siyaasadeed oon la garanayn goorta uu dhamaanayo halkii laga shaqayn lahaa sidii looga faaidaysan lahaa wejiga cusub ee dalku galay.
Si loo sii adkeeyo midnimadii ka dhalatay guushii madaxweynuhu ka keenay ictiraafka looguna quusgooyo cadow kasta , xukuumada waxa la gudboon inay degdeg u diyaariso Qorshe Horumarineed Cusub (New Development Plan) koobaya mashaariicda hortebinta degdega ah u leh horumarka dalka kuwaasoo si gaara ugu wajahan xidhiidhadii hore sida Taiwan, UAE iyo kuwa cusub sida Israel.
Dhaqaajinta mashaariicdii cusbayd ee balaadhinta madaarka Cigaal ee heshiiskiisa la saxeexay iyo cisbitaalka imaadraadka Burco ee la dhagax dhigay waxay sii adkaynaysaa isku duubnida shacabka.
Guusha dhinaca diblomaasiyadda ee madaxweynaha oon muddo xilleedkiisu weli laba sano gaadhin uu mudadaa gaaban ku keenay hadduu raaciyo guul dhinaca horumarka ah waxay guul taariikhda gasha u noqonaysaa madaxweynaha iyo xukuumaddiisa.
Si kasta oo olole aan xilligiisii la gaadhan la isugu daaliyo,waxa xaqiiqa ah inaan madaxweynaha keenay aqoonsigii 35 sanadood ka badan la sugaayey aanu jirin qof la tartami kara doorashada dambena.
Marka mustaqbalku sidaa u cad yahay, waxa fiicnaan lahayd in inta siyaasadda dib loo dhigto culayska la saaro horumarka dalka, ilaalinta qaranimada iyo sugidda amniga.
Wa billahi towfiiq.
Abdi Roble
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





