Golaha Wakiillada Somaliland Oo Galay Fasaxii Dastuuriga Ahaa
Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in Golaha Wakiilladu galay fasaxii dastuuriga ahaa, kaddib markii la soo gebagebeeyey Kal-fadhigii 14-aad ee Golaha.
Fasaxan oo ku salaysan Dastuurka iyo Xeer-hoosaadka Golaha Wakiillada ayaa socon doona muddo siddeed toddobaad ah, waxaana muddadaas lagu hakinayaa fadhiyadii caadiga ahaa ee Golaha.
War-saxaafadeedka ka soo baxay Golaha ayaa lagu wargeliyey dhammaan mudanayaasha Golaha, Guddida Joogtada iyo Anshaxa, iyo Xoghayaha Guud, si ay ula socdaan bilowga fasaxa iyo dib u bilaabashada shaqada Golaha marka muddadu dhammaato.
Golaha Wakiillada ayaa la filayaa inuu dib u bilaabo kal-fadhigiisa xiga marka uu dhammaado fasaxa dastuuriga ah, iyadoo mudanayaashu markaas dib ugu laaban doonaan gudashada waajibaadkooda sharci-dejinta iyo kormeerka hay'adaha dowladda.


0 





