Xildhibaan Timo-jilic Oo Si Adag Uga Jawaabay Hadalkii Safiirka Jabuuti
Xildhibaan Axmed Cabdi Ibraahim (Timo-jilic), oo ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa si adag uga hadlay hadal uu sheegay inuu ka soo yeedhay Safiirka Jabuuti u fadhiya Maraykanka, kaas oo la xidhiidhay qaddiyadda aqoonsiga Somaliland.
Xildhibaanka ayaa sheegay in Somaliland iyo Jabuuti ay yihiin laba dal oo daris ah, isla markaana ay habboon tahay inay ku wada noolaadaan is-ixtiraam, deris wanaag iyo wada noolaansho. Waxa uu xusay in aan loo baahnayn hadallo sii hurin kara khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeya labada dhinac.
Timo-jilic ayaa sidoo kale dhaliilay mawqifka ay qaar ka mid ah wakiillada dalalka Islaamka ka muujiyeen arrimaha la xidhiidha Somaliland, isaga oo sheegay in aan la aqbali karin olole kasta oo ka dhan ah rabitaanka shacabka Somaliland.
Waxa uu carrabka ku adkeeyey in Madaxweynaha, Baarlamaanka, xukuumadda iyo shacabka Somaliland ay mideysan yihiin marka ay timaaddo qaddiyadda aqoonsiga iyo difaaca danaha qaranka.
Xildhibaanku waxa uu sheegay in Somaliland ay ixtiraam buuxa u hayso diinta Islaamka iyo qiyamkeeda, balse aanay aqbali doonin in arrimaha diinta loo adeegsado cadaadis ama ujeeddooyin siyaasadeed oo lagu wiiqayo mowqifkeeda.
Ugu dambayn, wuxuu ugu baaqay dowladda Jabuuti in la xoojiyo xidhiidhka derisnimo iyo is-ixtiraamka labada dhinac, isagoo ku adkeeyey in wixii khilaaf ah lagu xalliyo wada-hadal iyo isfaham.


0 





