Wasaaradda Maaliyadda Somaliland Oo Dardargelinaysa Ururinta Dakhliga Aan Tooska Ahayn

Wasaaradda Maaliyadda iyo Horumarinta Dhaqaalaha Somaliland, gaar ahaan Waaxda Cashuuraha Berriga, ayaa qabatay kulan ay isugu yeedhay dhammaan wasaaradaha iyo hay’adaha dowladda ee dhawaan lagu wareejiyey masuuliyadda ururinta dakhliga aan tooska ahayn.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray sidii loo dardargelin lahaa ururinta dakhliga, loo xoojin lahaa wada-shaqaynta hay’adaha ay arrintani khusayso, isla markaana loo mideyn lahaa hababka lagu maamulayo dakhliga dowladda.
Masuuliyiinta ka qayb-galay kulanka ayaa sidoo kale ka wada hadlay xeelado cusub oo lagu kobcin karo dakhliga gudaha, iyagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda shaqada hay’adaha kala duwan si loo xaqiijiyo nidaam hufan oo wax-ku-ool ah.
Wasaaradda Maaliyadda ayaa sheegtay in kulamadan ay qayb ka yihiin dadaallada lagu horumarinayo maamulka maaliyadda dalka, kor loogu qaadayo dakhliga dowladda, isla markaana lagu tayeynayo habsami-u-socodka dakhli-ururinta iyo adeegyada maaliyadeed ee qaranka.


0 





