Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Qaatay Bulshada Xaafadda Sheekh Nuur

0
Saturday July 04, 2026 - 10:38:49 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 44
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Hoggaanka Xisbiga WADDANI Oo Kulan La Qaatay Bulshada Xaafadda Sheekh Nuur

    Dadweynihii ka soo qayb galay kulanka ayaa uga mahadceliyey

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dadweynihii ka soo qayb galay kulanka ayaa uga mahadceliyey




Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, Xirsi Cali Xaaji Xasan, iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga, Cabdirashiid Maxamed Xaaji Yuusuf, ayaa kulan iyo shaah-wadaag la yeeshay bulshada ku dhaqan xaafadda Sheekh Nuur ee degmada Gacan-libaax.

 

Kulanka oo ka qabsoomay makhaayadda Waadi Khayr ayaa qayb ka ahaa kulammada tooska ah ee hoggaanka xisbigu la yeelanayo bulshada, si loo dhegaysto aragtidooda loona xoojiyo xidhiidhka ka dhexeeya shacabka iyo hoggaanka siyaasadda.

 

Dadweynihii ka soo qayb galay kulanka ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta WADDANI sida ay si joogto ah ula kulmaan bulshada, iyaga oo ku tilmaamay kulamada noocan oo kale ah kuwo xoojinaya wada-xidhiidhka iyo is-fahamka shacabka.

 

Dhankooda, Guddoomiyaha iyo Guddoomiye Ku-xigeenka Xisbiga WADDANI ayaa uga mahadceliyey shacabka xaafadda Sheekh Nuur soo-dhaweyntii diirranaa iyo martigelintii ay u sameeyeen, iyaga oo adkeeyey muhiimadda ay siinayaan la falgalka bulshada iyo dhageysiga fikradahooda.


Loading...
Loading...