Golaha Wasiirrada Somaliland oo Ansixiyey Baaqa Wadajirka ah ee Somaliland iyo Israa'iil

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si rasmi ah u ansixiyey Baaqa Wadajirka ah (Joint Declaration) ee ay si wadajir ah u soo saareen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.
Baaqaas ayaa lagu tilmaamay mid istaraatiiji ah oo muhiim u ah xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed, iskaashiga iyo danaha labada dhinac.
Madaxweynaha oo Golaha Wasiirrada Warbixin Siiyey
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha Wasiirrada si faahfaahsan ugu soo bandhigay nuxurka Baaqa Wadajirka ah, isagoo sharaxay muhiimadda uu u leeyahay siyaasadda arrimaha dibadda iyo horumarinta xidhiidhada caalamiga ah ee Somaliland.
Golaha Wasiirrada ayaa si wadajir ah cod gacan-taag ah ugu ansixiyey Baaqa, iyaga oo taageeray qodobada ku xusan.
Tallaabo Istaraatiiji ah
Madaxweynaha ayaa sheegay in Baaqa Wadajirka ah uu yahay tallaabo muhiim ah oo waafaqsan danaha qaranka Somaliland, isla markaana ka tarjumaysa horumar diblomaasiyadeed oo dalka u horseedaya iskaashi caalami ah oo ballaadhan.
U Gudbinta Golayaasha Sharci-dejinta
Baaqa la ansixiyey ayaa lagu wargeliyey in loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee la xidhiidha ansixinta iyo kormeerka heshiisyada caalamiga ah.


0 





