Golaha Wasiirrada Somaliland oo Meel Mariyey Baaq Wadajir ah oo ay wada saxeexdeen Somaliland iyo Israa'iil

0
Wednesday July 01, 2026 - 22:16:36 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 65
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Golaha Wasiirrada Somaliland oo Meel Mariyey Baaq Wadajir ah oo ay wada saxeexdeen Somaliland iyo Israa'iil

    Madaxweynuhu oo Ka Hadlay

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynuhu oo Ka Hadlay



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Golaha Wasiirrada hor keenay, isla markaana si rasmi ah loogu akhriyey nuxurka Baaqii Wadajirka ahaa (Joint Declaration) ee ay si wadajir ah u soo saareen Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.

 

Golaha Wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa baaqan ku meel mariyey cod gacan-taag ah oo ay si buuxda u taageereen.

 

Baaqa Wadajirka ah

 

Baaqaasi oo soo baxay 15-06-2026, ayaa si wadajir ah loogu saxeexay magaalada Jerusalem Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Ra’iisal Wasaaraha Israa’iil.

 

Baaqa ayaa lagu tilmaamay mid ka tarjumaya iskaashi istaraatiiji ah oo u dhexeeya labada dhinac, isla markaana lagu xoojinayo danaha labada dal.

 

Madaxweynuhu oo Ka Hadlay

 

Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa sheegay in baaqani yahay tallaabo istaraatiiji ah oo waafaqsan danaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland, isla markaana muhiim u ah horumarinta xidhiidhada caalamiga ah ee dalka.

 

Tallaabo Dastuuri ah

 

Madaxweynaha ayaa sidoo kale sheegay in baaqan wadajirka ah loo gudbin doono Golayaasha Sharci-dejinta Jamhuuriyadda Somaliland, si ay uga gutaan waajibaadkooda dastuuriga ah ee ku aaddan.

 

Baaqan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga diblomaasiyadeed, siyaasadeed iyo midka istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil.


Loading...
Loading...