Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha JSL oo Kulan La Yeeshay Masuuliyiin Ka Tirsan Stockholm
Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdilaahi Maxamed Maxamuud (Jiidhe), oo maalmihii u dambeeyey safar shaqo ku joogay magaalada Stockholm ee dalka Sweden, ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Maayar Ku-xigeenka ahna ku simaha Maayarka Caasimadda Stockholm, Mr Anders Östberg, oo hore uga tirsanaa Baarlamaanka dalka Sweden.
Kulanka ayaa ka qabsoomay xarunta Dawladda Hoose ee Stockholm, waxaana diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhinacyada horumarinta dhallinyarada iyo ciyaaraha.
Horumarinta Dhallinyarada iyo Ciyaaraha
Labada masuul ayaa si qoto dheer uga wada hadlay fursadaha lagu horumarin karo dhalinyarada iyo ciyaaraha, iyaga oo isla falanqeeyey qaababka lagu xoojin karo iskaashiga labada dhinac.
Waxa sidoo kale la isla qaatay muhiimadda ay leedahay in la abuuro barnaamijyo lagu taageerayo kobcinta xirfadaha dhallinyarada iyo ka qaybgalka ciyaaraha.
Wefti Ku Weheliyey Agaasimaha
Kulankan waxaa Agaasimaha Guud ku wehelinayey Mustafe Cabdi Ismaaciil, Guddoomiyaha Dalladda Guud ee Jaaliyadaha Somaliland ee Sweden, oo door muhiim ah ka qaatay fududeynta iyo xoojinta wada-hadallada.
Kulankan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim u ah xoojinta iskaashiga caalamiga ah ee dhinacyada dhallinyarada iyo ciyaaraha ee Jamhuuriyadda Somaliland.


0 





