Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo Soo Xidhay Tababar Ku Saabsan Xuquuqul Insaanka
Taliyaha Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Sarreeye Guuto Cabdiraxmaan Cabdillaahi Xasan, ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay tababar ku saabsan xuquuqul insaanka oo loo qabtay saraakiil iyo saraakiil ku-xigeenno ka tirsan Ciidanka Booliska Somaliland.
Tababarkan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu horumarinayo aqoonta iyo xirfadaha ciidamada, si kor loogu qaado fahamka iyo ku dhaqanka xuquuqda aadanaha ee la xidhiidha shaqada booliska.
Mahadcelin loo Jeediyey Jaamacadda Hargeysa
Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa si gaar ah ugu mahadceliyey Jaamacadda Hargeysa oo bixisay tababarkan, isla markaana si joogto ah u taageerta Ciidanka Booliska iyada oo siinaysa tababaro iyo deeqo waxbarasho.
Waxa uu sheegay in iskaashiga jaamacaddu uu door muhiim ah ka qaato tayeynta aqoonta ciidamada.
Waxa uu yidhi:
"Waxaynu ka faa’iidaysannay siminaarkan kooban ee ku saabsan aqoonta xuquuqul insaanka oo ay bixisay Jaamacadda Hargeysa. Aad baan ugu mahadcelinayaa jaamacadda, waayo sannad kasta waxay na siiyaan tababaro iyo deeqo waxbarasho oo muhiim ah.”
Horumarinta Aqoonta Ciidamada
Taliyuhu waxa uu xusay in kor u qaadista aqoonta ciidamada ay waafaqsan tahay himilada Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo qorshaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee tayeynta ciidamada kala duwan ee qaranka.
Waxa uu sidoo kale sheegay in aqoontu tahay laf-dhabarta shaqada ciidamada, isla markaana ay muhiim tahay in si joogto ah loo horumariyo.
Waxa uu yidhi:
"Aqoontu waa laf-dhabarta shaqada. Haddii aqoon la waayo, waxba ma jiraan. Sidaas darteed waajibaadkeenna waxa ka mid ah in aynu si joogto ah u horumarinno aqoonta ciidamada.”
Xoojinta Xirfadda Booliska
Tababarkan ayaa lagu tilmaamay mid muhiim ah oo kor u qaadaya fahamka xuquuqda aadanaha, isla markaana ka qayb qaadanaya dhismaha ciidan boolis oo xirfad leh, hufan oo u adeegaya bulshada Somaliland.


0 





