Wasiirka Diinta Somaliland oo Sheegay In Aan Cidna Hor Istaagi Karin Dadaallada Aqoonsi Raadinta
Wasiirka Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdillaahi Baashe, ayaa sheegay in qaddiyadda aqoonsiga Somaliland ay tahay arrin muddo dheer lagu hawlanaa, isla markaana aanay jirin cid hor istaagi karta dedaallada ay Somaliland ugu jirto xaqiijinta danaheeda qaran.
Wasiirku waxa uu xusay in Somaliland ay marar badan dunida u soo bandhigtay daliillada iyo sababaha ay u leedahay aqoonsi buuxa, isaga oo sheegay in shacabka iyo xukuumadduba ay sii wadi doonaan dedaallada lagu xaqiijinayo himiladaas.
"Danaheenna Cid Inaga Hor Istaagi Karta Ma Jirto”
Cabdillaahi Baashe ayaa sheegay in Somaliland ay leedahay xaq ay ku difaacato danaheeda iyo jiritaankeeda, isla markaana ay diyaar u tahay ilaalinta qaranimadeeda.
Waxa uu tilmaamay in qaddiyadda aqoonsigu ay tahay arrin qaran oo ay Somaliland u wajahayso si mideysan.
Hadalka Wasiirka
Wasiirka Diinta iyo Awqaafta Somaliland ayaa yidhi:
"Arrinta ictiraafku waa tii aynu marar badan ka hadalnay ee aynu daliilkeeda iyo wax kasta ba keenay. Danaheenna cid inaga hor istaagi karta ma jirto. Waxaynu diyaar u nahay inaynu dalkeenna difaacanno, oo ku difaacno wax kasta oo aynu haysanno.”
Adkaynta Qarannimada
Wasiirku waxa uu ugu dambayn ku baaqay in la sii adkeeyo midnimada iyo wadajirka shacabka Somaliland, isaga oo xusay in ilaalinta qaranimada iyo difaaca danaha qaranku ay yihiin masuuliyad ay wadaagaan dhammaan bulshada Somaliland.


0 





