Wasaaradda Waxbarashada Somaliland oo Digniin Adag Ka Soo Saartay Faafinta Muuqaallada Been-abuurka ah ee Imtixaannada
Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, Barbaarinta iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, oo uu wehelinayey Guddoomiyaha Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka, Daa’uud Axmed Faarax, ayaa galabta digniin culus u diray shaqsiyaad ku eedeeyey inay baraha bulshada ku faafinayaan muuqaallo been-abuur ah oo lagu dhaawacayo sumcadda iyo hufnaanta Imtixaannaadka Shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2025–2026.
Masuuliyiintu waxay sheegeen in muuqaallada la faafinayo qaarkood ay yihiin kuwo hore loo duubay, isla markaana aan la hubin inay xitaa ka tirsan yihiin Somaliland, iyadoo lagu marin-habaabinayo bulshada in lagu muujiyo in ardaydu qishayaan.
Muuqaallo Lagu Tilmaamay Been-abuur
Wasaaradda Waxbarashada ayaa sheegtay in muuqaallada lagu baahinayo baraha bulshada aanay wax sal iyo raad ah ku lahayn imtixaannada hadda socda, isla markaana ujeeddadoodu tahay in lagu wiiqo kalsoonida bulshada ee hufnaanta nidaamka imtixaanaadka qaranka.
Masuuliyiintu waxay caddeeyeen in imtixaannadu u socdaan si habsami leh, iyadoo la raacayo dhammaan nidaamyada iyo xeerarka u dejisan.
Digniin Sharci
Wasiirka Waxbarashada, Prof. Ismaaciil Ducaale Yuusuf, ayaa sheegay in tallaabo sharci ah laga qaadi doono cid kasta oo lagu helo faafinta ama samaynta muuqaallo been-abuur ah oo lagu khaldinayo bulshada laguna waxyeellaynayo sumcadda imtixaannada qaranka.
Waxa uu xusay in xukuumaddu aanay u dulqaadan doonin fal kasta oo lagu carqaladaynayo habsami-u-socodka imtixaannada.
Baaq Ku Socda Bulshada
Wasaaradda Waxbarashada iyo Xafiiska Imtixaannaadka Qaranka ayaa ugu baaqay bulshada inay ka taxaddaraan faafinta xogaha aan la hubin, isla markaana ay ku kalsoonaadaan wararka rasmiga ah ee ka soo baxa hay’adaha dowladda.
Waxay sidoo kale ku booriyeen ardayda, waalidiinta iyo guud ahaan bulshada inay gacan ka geystaan ilaalinta hufnaanta iyo sumcadda imtixaanaadka shahaadiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.


0 





