Hoggaanka Tababarka Booliska Somaliland oo Finland Kula Kulmay Masuuliyiin ka Tirsan IOM iyo Booliska Helsinki

Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdi Ciise Maygaag (Ganay), oo booqasho shaqo ku jooga dalka Finland, ayaa kulamo muhiim ah la yeeshay hay'ado iyo masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan dowladda Finland iyo Hay'adda Caalamiga ah ee Socdaalka (IOM), kuwaas oo diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga iyo horumarinta hay'adaha amniga.
Kulan lala Yeeshay Hay'adda IOM
Taliye Cabdi Ciise Maygaag ayaa xarunta Hay'adda IOM kulan kula yeeshay madaxda sare ee hay'adda, oo uu ka mid ahaa Tobias van Treeck.
Kulanka ayaa lagaga wada hadlay xoojinta iskaashiga u dhexeeya Somaliland iyo Finland, gaar ahaan arrimaha tahriibka sharci-darrada ah, qaxootiga iyo horumarinta awoodaha hay'adaha dowladda.
Taliyaha ayaa madaxda IOM la wadaagay waayo-aragnimo iyo aqoon la xidhiidha maamulka amniga iyo caqabadaha jira, halka Hay'adda IOM ay muujisay sida ay ugu faraxsan tahay wada-shaqaynta ay la leedahay hay'adaha Somaliland, gaar ahaan Wasaaradaha Arrimaha Gudaha iyo Warfaafinta ee dhinacyada wacyigelinta tahriibka iyo arrimaha socdaalka.
Booqasho Lagu Tegay Xarunta Booliska Helsinki
Intii uu joogay Finland, Hoggaanka Tababarka Booliska Somaliland ayaa sidoo kale booqday xarunta Booliska Helsinki (Helsinki Police Department – Field Operation), halkaas oo si diirran loogu soo dhaweeyey.
Waxa qaabilay Taliye Leea Virkkunen oo ka tirsan hoggaanka Booliska Helsinki iyo Taliye Sara Nikkinen oo ah madaxa qaybta dambi-baadhista iyo ka hortagga dembiyada.
Kulanka ayaa lagu falanqeeyey iskaashiga dhinaca amniga, tababarrada iyo is-weydaarsiga khibradaha booliska.
Xoojinta Awoodda Booliska Somaliland
Taliye Cabdi Ciise Maygaag ayaa kulanka ku soo bandhigay baahida Ciidanka Booliska Somaliland u qabaan qalabka casriga ah ee lagu maareeyo mudaharaadyada iyo ka hortagga rabshadaha, si loo ilaaliyo badbaadada shacabka iyo ciidamada ammaanka.
Labada dhinac ayaa isla qaatay in la xoojiyo wada-shaqaynta iyo is-weydaarsiga khibradaha ee u dhexeeya Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland iyo Booliska Finland.
Hadiyad Astaan u Ah Iskaashiga
Gabagabadii kulanka, Taliye Leea Virkkunen ayaa guddoonsiisay Taliye Cabdi Ciise Maygaag hadiyad astaan u ah bilowga xidhiidh cusub iyo iskaashiga labada ciidan.
Kulammadan waxaa sidoo kale qayb ka ahayd Wakiilka Jamhuuriyadda Somaliland ee dalka Finland, Marwo Saamiya Muuse, oo door muhiim ah ka qaadatay qabanqaabada iyo fududeynta wada-hadallada.


0 





