Madaxweyne Cirro oo Guul U Rajeeyey Ardayda U Fadhiisatay Imtixaanaadka Shahaadiga ah

0
Saturday June 27, 2026 - 14:59:00 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 35
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro oo Guul U Rajeeyey Ardayda U Fadhiisatay Imtixaanaadka Shahaadiga ah

    Madaxweynaha oo Daah-furay Imtixaanka

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweynaha oo Daah-furay Imtixaanka



Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Dr. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta guul iyo nasiib-wanaag u rajeeyey dhammaan ardayda u fadhiisatay imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee dalka.

 

Madaxweynuhu waxa uu sheegay in sanadkan uu yahay mid taariikhi ah, maadaama ay imtixaanka u fadhiisanayaan tiradii ugu badnayd ee arday ah tan iyo markii ay Somaliland dib ula soo noqotay madaxbannaanideeda.

 

Madaxweynaha oo Daah-furay Imtixaanka

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay daah-furka imtixaanaadka shahaadiga ah, isaga oo ku tilmaamay wax lagu farxo in kumannaan arday ay maanta u fariisteen imtixaanka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxa farxad weyn ii ah in aan maanta daahfuro imtixaanaadka shahaadiga ah ee dugsiyada sare iyo dhexe ee Jamhuuriyadda Somaliland, iyadoo tiradii ugu badnayd intii Somaliland madaxbannaanayd ay maanta imtixaan u fadhiisanayaan.”

 

Dhiirrigelin Ku Socota Ardayda

 

Madaxweynuhu waxa uu ardayda ugu baaqay inay is dejiyaan, kuna kalsoonaadaan aqoontii ay muddada dheer soo barteen, isaga oo sheegay in imtixaankani aanu ka duwanayn kuwii ay hore u soo geli jireen.

 

Waxa uu xusay in ardayga dugsiga sare ka baxayaa uu soo maray 12 sano oo imtixaano ah, halka ardayga dugsiga dhexe ka baxayaana uu soo maray 8 sano oo imtixaano ah.

 

Guul iyo Nasiib-wanaag

 

Madaxweyne Cirro ayaa ugu dambayn dhammaan ardayda u rajeeyey guul, isaga oo ku boorriyey inay si kalsooni leh u galaan imtixaanka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Ardayda waan bogaadinayaa, waxaanan idiin rajaynayaa in imtixaanku uu la mid yahay imtixaannadii hore ee aad geli jirteen. Cabsi badani ma jirto, dhammaantiin waxa la idinka qaadayaa imtixaan isku mid ah. Waxaan idiin rajaynayaa khayr iyo guul.”


Loading...
Loading...