Wasiir Ku-xigeenka Biyaha Somaliland oo Maalintii Saddexaad Ku Guda Jira Socdaal Xog-raadin ah oo Gobolka Awdal ah

0
Friday June 26, 2026 - 11:08:01 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 37
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiir Ku-xigeenka Biyaha Somaliland oo Maalintii Saddexaad Ku Guda Jira Socdaal Xog-raadin ah oo Gobolka Awdal ah

    Kulan Lagu Falanqeeyey Xaaladda Biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Kulan Lagu Falanqeeyey Xaaladda Biyaha



Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Mukhtaar Xaaji Muxumed Faarax, iyo wafti ballaadhan oo uu hoggaaminayo ayaa maanta galay maalintii saddexaad ee socdaal xog-raadin ah oo ay ku marayaan Gobolka Awdal.

 

Waftiga ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey Degmada Boon, kadib markii ay socdaalkooda ku soo mareen magaalada Boorama.

 

Kulan Lagu Falanqeeyey Xaaladda Biyaha

 

Wasiir Ku-xigeenka iyo waftigiisa ayaa kulan muhiim ah la yeeshay maamulka degmada Boon, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha iyo shaqaalaha wakaaladda, halkaas oo ay kaga dhegaysteen warbixino ku saabsan xaaladda biyaha ee degmada iyo deegaannada hoos yimaadda.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray baahiyaha jira, adeegyada biyaha iyo qorshayaasha lagu horumarinayo helitaanka biyo nadiif ah.

 

Kormeer Lagu Sameeyey Ceelka Biyaha

 

Waftiga ayaa sidoo kale kormeer iyo qiimayn ku sameeyey ceelka biyaha ee ay degmada Boon ka cabto, si loo ogaado xaaladdiisa, awoodda uu u leeyahay soo saarista biyaha iyo baahiyaha dayactir ee jira.

 

Indho-indhayn Lagu Tegay Deegaannada Miyiga

 

Si loo qiimeeyo baahida biyaha ee miyiga, Wasiir Ku-xigeenka iyo waftigiisu waxay booqashooyin indho-indhayn ah ku tageen deegaannada Xalimaale iyo Weeraarta.

 

Ujeeddada socdaalkan ayaa ahayd ururinta xog dhab ah oo ku saabsan ilaha biyaha ee deegaannadaas, si loogu saleeyo qorshayaasha horumarinta adeegyada biyaha iyo daboolidda baahiyaha bulshada.

 

Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ayaa sheegtay in socdaalladan xog-raadinta ahi qayb ka yihiin dadaallada lagu xoojinayo qorsheynta iyo ballaadhinta adeegyada biyaha ee gobollada dalka.


Loading...
Loading...