Wasiirka Duulista Somaliland oo Sheegay in Madaxweyne Cirro Xaqiijiyey Himiladii Aqoonsi Raadinta
Wasiirka Wasaaradda Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Jamhuuriyadda Somaliland, Fu'aad Axmed Nuux, ayaa sheegay in Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) uu noqday hoggaamiyihii ugu horreeyey ee xaqiijiya himiladii shacabka Somaliland ee la xidhiidhay dedaallada aqoonsi raadinta.
Wasiirka ayaa xusay in Madaxweynaha Somaliland uu gutay waajibaadkii loo igmaday, isla markaana uu fuliyey himiladii shacabka u doorteen, gaar ahaan xoojinta qaddiyadda aqoonsiga Somaliland iyo ballaadhinta xidhiidhada caalamiga ah.
Baaq Ku Socda Dadka Faafinaya Wararka Been Abuurka ah
Fu'aad Axmed Nuux ayaa sidoo kale sheegay in shacabka Somaliland ay farriin u dirayaan dadka uu ku tilmaamay inay faafinayaan warar aan sal lahayn iyo tashuush la xidhiidha arrimaha qaranka.
Waxa uu sheegay in dadkaasi ay isku dayayaan inay dano ka baxsan masiirka Somaliland ku dhex milmaan arrimaha qaranka, balse shacabka Somaliland ay yihiin kuwo feejigan oo garanaya danahooda.
Hadalka Wasiirka
Wasiirka Duulista Hawada iyo Horumarinta Madaarada Somaliland ayaa yidhi:
"Madaxweynaha JSL waxa uu noqday kii ugu horreeyey ee xaqiijiyey himiladii shacabka ee aqoonsiga. Shacabku waxay farriin u dirayaan dadka tashuushka wada ee dano kale oo dalka ka baxsan ku xidhaya danaha qaranka, iyagoo leh Madaxweynaha xilkiisii wuu gutay, shaqadii aan u dirannayna wuu qabtay.”
Xukuumadda oo Adkaynaysa Dedaallada Aqoonsi Raadinta
Wasiirku waxa uu sheegay in xukuumaddu sii wadi doonto dedaallada lagu xoojinayo aqoonsi raadinta Somaliland iyo horumarinta xidhiidhada diblomaasiyadeed, isaga oo xusay in guulaha la gaadhay ay muujinayaan horumarka ay Somaliland ka samaynayso masraxa caalamiga ah.


0 





