Suldaan Sahal Iidle oo Madax-dhaqameedka ugu Baaqay Xoojinta Nabadda iyo Taageerada Xukuumadda

0
Wednesday June 24, 2026 - 11:49:32 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 24
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Suldaan Sahal Iidle oo Madax-dhaqameedka ugu Baaqay Xoojinta Nabadda iyo Taageerada Xukuumadda

    Suldaanka oo Ku Baaqay Nabadaynta Bulshada

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Suldaanka oo Ku Baaqay Nabadaynta Bulshada


Suldaan Sahal Iidle Dirir, Suldaanka Guud ee Beesha Cumar Jibriil isla markaana ah xildhibaan ka tirsan Golaha Guurtida Somaliland, ayaa madax-dhaqameedka iyo salaadiinta ugu baaqay inay si dhow ula shaqeeyaan xukuumadda, kana qayb qaataan xoojinta nabadda, amniga iyo horumarka dalka.

 

Suldaanka ayaa sheegay in wada-shaqaynta u dhexaysa madax-dhaqameedka iyo xukuumaddu ay muhiim u tahay ilaalinta xasilloonida iyo horumarka Somaliland, isaga oo xusay in nabaddu tahay saldhigga nolosha iyo horumarka bulshada.

 

Suldaanka oo Ku Baaqay Nabadaynta Bulshada

 

Suldaan Sahal Iidle ayaa si gaar ah ugu baaqay salaadiinta iyo waxgaradka inay door muuqda ka qaataan nabadaynta bulshada, gaar ahaan dadka iyo beelaha ay colaadaha iyo khilaafaadku kala fogeeyeen.

 

Waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la dardar-geliyo dedaallada nabadaynta si loo ilaaliyo wada noolaanshaha iyo midnimada bulshada.

 

Nabaddu Waa Furaha Horumarka

 

Suldaanku wuxuu carrabka ku adkeeyey in aanay jirin nolol, horumar, waxbarasho iyo caafimaad suurtagal noqon kara haddii nabadgelyadu maqnaato.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waxa muhiim ah in xukuumadda lala shaqeeyo oo la is garab taago, lagalana shaqeeyo nabadgelyada iyo horumarka. Nabad waxaan ahayn oo lagu noolaan karaa ma jirto, dalku waa dalkeenii, dadkuna waa dadkeenii, horumarkuna nabadda ayuu ku jiraa.”

 

Baaq Ku Socda Bulshada

 

Suldaan Sahal ayaa bulshada ku boorriyey inay ka fogaadaan colaadaha, isaga oo xusay in colaaddu burburiso nolosha, horumarka iyo mustaqbalka bulshada.

 

Waxa uu sheegay in nabaddu tahay tiirka ugu weyn ee lagu gaadhi karo horumar, waxbarasho, caafimaad iyo nolol wanaagsan.

 

"Bulshada waxaan leeyahay colaaddu waa wax aad u xun. Nolol suurtagal ah ma jirto nabadgelyo la’aanteed. Haddii aan nabad lagu wada noolaan, horumar ma jiro, waxbarasho ma jirto, caafimaad ma jiro, dalna ma jiro.”

 

Suldaanka ayaa ugu dambayn ku baaqay in la xoojiyo wadajirka bulshada iyo dedaallada lagu ilaalinayo nabadda Somaliland.


Loading...
Loading...