Somaliland iyo Israa'iil: Isbahaysi Cusub oo Saamayn Ku Leh Amniga Gobolka
Khubaro ka faallooda arrimaha Geeska Afrika iyo Bariga Dhexe ayaa sheegay in iskaashiga sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil uu yeelan karo saamayn muhiim ah oo la xidhiidha amniga gobolka iyo isu socodka ganacsiga caalamiga ah.
Shiri Fein-Grossman oo ka tirsan Machadka Xidhiidhka Israa’iil iyo Afrika (Institute for Israel-Africa Relations) ayaa sheegtay in dunidu aanay ku ekaan doodaha ku saabsan heshiisyada Iran oo keliya, balse loo baahan yahay in la eego qaab-dhismeedka cusub ee amniga gobolka, halkaas oo Somaliland ay door muhiim ah ka ciyaari karto.
Waxay tidhi:
"Dadku waa inay eegaan sida looga gudbi karo heshiiska Iran loona gaadhi karo amniga gobolka, Somaliland-na waxay door aad muhiim u ah ka ciyaaraysaa arrintaas.”
Safaaradda Somaliland ee Qudus
Warbixintu waxay xustay in Somaliland ay si rasmi ah uga furatay safaaraddeedii ugu horraysay magaalada Qudus (Jerusalem), taas oo lagu tilmaamay tallaabo diblomaasiyadeed oo taariikhi ah.
Sida lagu sheegay warbixinta, Somaliland oo leh dad lagu qiyaaso 6.5 milyan oo qof, isla markaana leh nidaam dimuqraadi ah, ayaa tallaabadan ku soo afjartay muddo dheer oo ay ku jirtay go’doon diblomaasiyadeed.
Muhiimadda Juqraafiyeed ee Somaliland
Falanqayntu waxay tilmaantay in goobta istaraatiijiga ah ee Somaliland ay muhiimad gaar ah u leedahay amniga marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed.
Waxa lagu sheegay in Somaliland ay ku taallo meel muhiim u ah isu socodka maraakiibta caalamiga ah, taas oo ka dhigaysa lammaane muhiim ah oo dhinaca amniga iyo ganacsiga ah.
Iskaashiga Horumarineed
Warbixintu waxay sidoo kale xustay in Israa’iil ay hore uga bilowday Somaliland mashaariic iyo tababaro dhinacyada biyaha iyo horumarinta awoodda farsamo.
Hay’adda MASHAV ee Israa’iil ayaa la sheegay inay tababaro siinayso khubaro ka shaqeeya biyaha, halka sidoo kale ay jireen iskaashiyo caafimaad oo lagu taageerayo carruurta u baahan qalliinnada wadnaha.
Isbahaysi Sii Kobcaya
Khubaradu waxay aaminsan yihiin in xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil uu noqon karo mid sii ballaadha oo taabanaya dhinacyada amniga, dhaqaalaha, biyaha, caafimaadka iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, taas oo saamayn ku yeelan karta mustaqbalka Geeska Afrika iyo gobolka Badda Cas.


0 





