Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Warbixin Ka Siiyey Golaha Guurtida Safarkii Israa'iil

0
Monday June 22, 2026 - 12:32:09 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Arrimaha Dibedda Somaliland oo Warbixin Ka Siiyey Golaha Guurtida Safarkii Israa'iil

    Cabdiraxmaan Bakaal ayaa xusay in dedaallada aqoonsi ....

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Cabdiraxmaan Bakaal ayaa xusay in dedaallada aqoonsi ....



Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibedda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdiraxmaan Daahir Aadan Bakaal, ayaa maanta hor tegay Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida Somaliland, isaga oo warbixin ka bixiyey safarkii uu dhawaan ku tagay dalka Israa’iil isaga iyo weftigii Madaxweynaha Somaliland.


 

Wasiirka ayaa guddida uga warramay kulamadii ay la yeesheen madaxda sare ee Israa’iil, ganacsato iyo masuuliyiin kale, isaga oo sheegay in kulamadaasi ay Somaliland u horseedeen guulo diblomaasiyadeed iyo xoojinta xidhiidhada caalamiga ah.

 

Cabdiraxmaan Bakaal ayaa xusay in dedaallada aqoonsi raadinta Somaliland ay marayaan heer wanaagsan, isla markaana sumcadda iyo meeqaamka Somaliland ay sii kordhayaan.

 

Xubnaha Guddida Joogtada ah ayaa wasiirka weydiiyey su’aalo la xidhiidha safarka iyo siyaasadda arrimaha dibedda, kuwaas oo uu si faahfaahsan uga jawaabay.

 

Guddoomiyaha Guddida Joogtada ah ee Golaha Guurtida, Dayib Xasan Axmed, ayaa sheegay in warbixinta wasiirka si rasmi ah loogu gudbin doono Golaha Guurtida marka uu furmo.

 

Wasiirka Arrimaha Dibedda ayaa ugu dambayn uga mahadceliyey guddida fursadda ay siisay inuu la wadaago warbixinta hawlaha qaran ee uu Wasaaraddu ka waddo dibedda.


Loading...
Loading...