Guddoomiyaha Hay'adda Shaqaalaha Dowladda oo Rajo Weyn Ka Muujiyey Doorka Haweenka Somaliland
Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda Jamhuuriyadda Somaliland, Cabdicasiis Xirsi Warsame, ayaa sheegay inuu rajo weyn ka qabo in haweenka Somaliland ay mustaqbalka dhow kaalin muuqata ka qaataan siyaasadda, hoggaanka iyo go’aan qaadashada dalka.
Guddoomiyuhu waxa uu xusay in doorashooyinka soo socda la arki doono korodhka ka qaybgalka haweenka, isaga oo tilmaamay in xukuumadda uu hoggaamiyo Madaxweynaha Somaliland ay qaaday tallaabooyin muhiim ah oo dhiirrigelinaya ka qaybgalka haweenka ee arrimaha siyaasadda iyo maamulka.
Rajo Laga Qabo Isbeddelka Siyaasadeed
Cabdicasiis Xirsi Warsame ayaa sheegay in sida ay Somaliland u gaadhay guulo muuqda oo dhinacyo kala duwan ah, ay sidoo kale suuragal tahay in la arko isbeddel la taaban karo oo ku saabsan doorka haweenka ee siyaasadda.
Waxa uu tilmaamay in haweenka Somaliland ay leeyihiin awood, aqoon iyo karti ay kaga qayb qaadan karaan horumarka iyo hoggaaminta dalka.
Haweenka oo Laga Filayo Kaalin Muuqata
Guddoomiyuhu waxa uu muujiyey rajo ah in muddo aan ka badnayn toban sano gudaheed haweenka Somaliland ay gaadhi doonaan heer ay door weyn ku yeeshaan siyaasadda iyo hay’adaha qaranka.
Waxa uu yidhi:
"Doorashooyinka soo socda xukuumadda hadda jirta ee Madaxweynaha hoggaaminayaa oo wax natiijo la taaban karo ah soo saarta sida aqoonsiga aan u aragno ayaan isbeddelna dhanka haweenka ee doorashooyinka uga arki doonaa. Anigu waxaan ahay dadka aad ugu rajo weyn in dhawaan, wax aan 10 sano ka badnayn, in hablahaheenna kaalin weyn ay siyaasadda ka qaadan doonaan, dalkana ay wax weyn ka beddeli doonaan.”
Kordhinta Ka Qaybgalka Haweenka
Hadalka Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha Dowladda ayaa ku soo beegmaya xilli ay sii kordhayaan doodaha la xidhiidha xoojinta matalaadda haweenka ee siyaasadda, goleyaasha qaranka iyo hay’adaha dowladda, si ay door muuqda uga qaataan horumarka iyo mustaqbalka Somaliland.


0 





