Sidee Ayaa Loo Doortaa Saaxiibka Wanaagsan?
Saaxiibku waa qof saamayn weyn ku leh nolosha qofka. Wuxuu noqon karaa mid kuu horseeda guul iyo wanaag, ama mid kaa fogeeya jidka saxda ah. Sidaa darteed, waxaa muhiim ah in si taxaddar leh loo doorto saaxiibka lala soconayo.
Saaxiibka wanaagsan waa inuu yeesho shantan sifo:
1. Aragtidiisu Ku Xasuusiso Wanaag
Waa qof marka aad aragto qalbigaagu u janjeedho wanaag, cibaado iyo Alle-ka-cabsi.
2. Akhlaaqdiisu Ku Hoggaamiso Jidka Toosan
Dhaqankiisa wanaagsan iyo hab-nololeedkiisu waxay kugu dhiirrigeliyaan inaad noqoto qof wanaagsan oo Alle u dhaw.
3. Hadalkiisu Kordhiyo Aqoontaada
Saaxiibka wanaagsan hadalladiisu waa kuwo faa'iido leh, aqoon korodhsanaya, maskaxdana kobcinaya.
4. Wuu Ku Wanaaniyaa Marka Aad Gaabiso
Haddii uu ku arko adigoo dayacay waajibaadkaaga diineed ama ku jira gaf, si wanaagsan ayuu kuu xusuusinayaa oo kuu toosinayaa.
5. Wuu Kugu Dhiirrigeliyaa Wanaagga
Marka uu ku arko adigoo samaynaya wax wanaagsan, kuma niyad jebiyo ee wuu ku taageeraa, kuna sii dhiirrigeliyaa inaad wanaagga ku sugnaato.
Saaxiibka dhabta ahi ma aha kan kula qosla oo keliya, balse waa kan ku xasuusiya Alle, ku toosiya markaad qaldanto, kuna garab istaaga jidka xaqa ah.
Haddaba halkan uga yeedh saaxiibkaaga ama saaxiibtaada kuugu wanaagsan ee mar kasta kugu riixa jidka Alle iyo wanaagga. Alle ha idin waafajiyo saaxiibtinimo ku dhisan cibaado, daacadnimo iyo kheyr.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





