7 Cashar oo Muhiim ah oo Noloshaada Beddeli Kara
Guusha iyo horumarka nolosha laguma gaadho nasiib oo keliya, balse waxa lagu gaadhaa go'aanno sax ah iyo ficillo joogto ah. Qof kasta oo doonaya inuu horumar gaadho waa inuu bartaa casharro muhiim ah oo ka caawinaya inuu ka gudbo caqabadaha iyo dib-u-dhacyada.
1. Ha Isbarbardhigin Dadka Kale
La tartan naftaadii shalay, ee ha la tartamin dadka kale. Qof walba wuxuu leeyahay duruufo, waayo-aragnimo iyo waddo u gaar ah. Horumarkaaga ku cabbir halka aad shalay joogtay, ee ha ku cabbirin halka dadka kale marayaan.
2. Ha Quusan Degdeg
Dad badan waxay joojiyaan dadaalka daqiiqaddii ugu dambaysay ee guushu u dhowdahay. Samirku waa furaha guusha, waxaana inta badan guulaysta kuwa sii wada dadaalka marka dadka kale ka quustaan.
3. Jooji Dib-u-dhigista
Riyooyin badan waxaa dilay erayga "berri". Haddii aad hayso qorshe wanaagsan, maanta bilow. Tallaabada yar ee maanta la qaado ayaa ka qiimo badan qorshe weyn oo aan waligiis la fulin.
4. Ka Bax Aagga Raaxada
Horumarku kama dhasho meelaha lagu nasto. Waxa uu ka yimaadaa marka qofku wajaho caqabado cusub, barto xirfado cusub, isla markaana isku dayo waxyaabo aanu hore u samayn jirin.
5. Si Xikmad Leh U Isticmaal Taleefankaaga
Taleefanku wuxuu noqon karaa aalad wax lagu barto ama waqti lagu lumiyo. Isticmaal si uu kuu hormariyo, hana u oggolaan inuu kaa xado waqtigaaga, diiraddaada iyo himilooyinkaaga.
6. Cabashada Yaree
Cabashadu ma xalliso dhibaatooyinka. Halkii aad xoogga saari lahayd waxyaabaha aanad beddeli karin, ku mashquul waxyaabaha aad wax ka qaban karto. Ficilku mar walba wuu ka qiimo badan yahay cabashada.
7. Ha Sugin Waqti Qumman
Waqti qumman oo wax lagu bilaabo marar badan ma jiro. Bilow adigoo aan si buuxda diyaar u ahayn, waayo ficilka iyo khibraddu waxay kuu horseedaan horumar iyo guul.
Gunaanad
Noloshaadu waxay si weyn isu beddeli kartaa markaad joojiso isbarbardhigga dadka kale, dib-u-dhigista iyo sugitaanka waqti qumman. Guushu waxay ka bilaabataa tallaabooyin yar-yar oo joogto ah oo maalin kasta la qaado.
Maanta bilow, xitaa haddii tallaabadaadu yar tahay.
Waxaa qoray: Ustaad Mohamed Ahmed Yareh
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





