Madaxweyne Cirro oo Daah-furay Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israa'iil
![]() |
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa magaalada Tel Aviv ka daah-furay Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil, taas oo ay ka soo qaybgaleen boqollaal ganacsato, maalgashadayaal iyo wakiillo ka socday shirkadaha waaweyn ee dalka Israa’iil.
Madashan ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga dhaqaale, kobcinta maalgashiga, ganacsiga, tiknoolajiyadda, beeraha, biyaha iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha ee labada dhinac.
Somaliland oo Soo Bandhigtay Fursadaha Maalgashi
Madaxweyne Cirro ayaa bulshada ganacsiga Israa’iil u soo bandhigay fursadaha maalgashi ee ka jira Somaliland, isaga oo ku tilmaamay Somaliland dal nabdoon, dimuqraadi ah, isla markaana leh goob istaraatiiji ah oo muhiim u ah ganacsiga gobolka iyo kan caalamkaba.
Waxa uu xusay in Somaliland ay leedahay fursado badan oo la xidhiidha dekedaha, saadka, beeraha, kalluumaysiga, tamarta iyo khayraadka dabiiciga ah.
Iskaashi Dhaqaale oo La Xoojinayo
Madaxweynaha ayaa sheegay in madashani ay ka tarjumayso himilada Somaliland ee ku wajahan dhismaha iskaashi dhaqaale oo waara, kaas oo horseedi kara koboc dhaqaale, shaqo-abuur iyo horumar ay ka faa’iidaystaan shacabka labada dal.
Waxa uu sidoo kale ku baaqay in la xoojiyo maalgashiga iyo iskaashiga wax-ku-oolka ah ee u dhexeeya ganacsatada Somaliland iyo Israa’iil.
Fursado Cusub oo Loo Furay Labada Dhinac
Madasha Ganacsiga Somaliland iyo Israa’iil ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo xidhiidhka dhaqaale iyo ganacsi ee labada dhinac, iyadoo la filayo inay furto fursado cusub oo dhinacyada maalgashiga, ganacsiga iyo tiknoolajiyadda ah.










0 






