Israa'iil oo X (Twitter) Ka Codsatay In Lagu Daro Calanka Somaliland

0
Thursday June 18, 2026 - 15:50:34 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 70
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Israa'iil oo X (Twitter) Ka Codsatay In Lagu Daro Calanka Somaliland

    Haddii codsigan la aqbalo, waxa ay taasi u sahli kartaa isticmaalayaasha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Haddii codsigan la aqbalo, waxa ay taasi u sahli kartaa isticmaalayaasha



Dawladda Israa’iil ayaa la sheegay inay codsi u dirtay shirkadda X (Twitter), kaas oo lagu dalbanayo in madasha lagu daro calanka Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Sida lagu sheegay wararka la xidhiidha arrintan, codsiga ayaa ka dambeeyey xidhiidhka sii kobcaya ee u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Somaliland.

 

Haddii codsigan la aqbalo, waxa ay taasi u sahli kartaa isticmaalayaasha madasha X inay si rasmi ah u adeegsadaan astaanta calanka Somaliland sida dalalka kale ee dunida.

 

Ilaa hadda, shirkadda X si rasmi ah ugamay jawaabin codsigan, mana jirto go’aan rasmi ah oo laga soo saaray arrintan.

 

Arrintan ayaa dhalisay hadal-hayn iyo falcelin kala duwan, iyadoo dad badani u arkaan tallaabo astaan u noqon karta korodhka muuqaalka Somaliland ee fagaarayaasha caalamiga ah.


Loading...
Loading...