Duqa Hargeysa iyo Mashruuca SINAAN oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Caasimadda

0
Thursday June 18, 2026 - 12:03:31 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 33
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Duqa Hargeysa iyo Mashruuca SINAAN oo Ka Wada Hadlay Horumarinta Caasimadda

    Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la dhiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la dhiso


May be an image of one or more people and text


Duqa Caasimadda Hargeysa, Eng. Cabdirisaaq Maxamed Faarax (Wiiwaa), ayaa kulan la yeeshay wafti ka socday Mashruuca SINAAN oo uu hoggaaminayey Madaxa Mashruuca, Mr. Sidhartha Patnaik.

 

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hirgelinta mashaariic horumarineed oo lagu tayaynayo adeegyada iyo bilicda magaalada Hargeysa, iyadoo si gaar ah looga wada hadlay hagaajinta baarkinnada waddooyinka, maaraynta qashinka iyo hirgelinta barnaamijyo casri ah oo dhirayneed.

 

Mashruuca SINAAN, oo ay maalgeliso hay’adda FCDO, ayaa Dawladda Hoose ee Hargeysa kala shaqayn doona fulinta qorshayaashan horumarineed si kor loogu qaado adeegyada bulshada iyo muuqaalka guud ee caasimadda.

 

Labada dhinac ayaa sidoo kale isku raacay in la dhiso Guddi Farsamo oo isku-dubbarida hirgelinta mashaariicda, si loo dardargeliyo qorshayaasha loogu talagalay horumarinta iyo casriyeynta magaalada Hargeysa.

 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada lagu xoojinayo iskaashiga horumarineed ee u dhexeeya Dawladda Hoose ee Hargeysa iyo hay’adaha taageera mashaariicda horumarinta magaalooyinka.

Loading...
Loading...