Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga oo Ka Hadlay Ujeeddooyinka Safarka Madaxweynaha ee Israa'iil

0
Thursday June 18, 2026 - 12:01:21 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 25
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Agaasimaha Guud ee Kalluumaysiga oo Ka Hadlay Ujeeddooyinka Safarka Madaxweynaha ee Israa'iil

    Liibaan Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dadaallo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Liibaan Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dadaallo



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Liibaan Maxamuud, ayaa sheegay in booqashada Madaxweynaha Somaliland iyo weftigiisa ee dalka Israa’iil aanay ku koobnayn oo keliya arrimaha aqoonsi raadinta, balse ay sidoo kale la xidhiidho arrimo kale oo bani’aadannimo iyo iskaashi ah.

 

Agaasimaha ayaa xusay in weftiga Madaxweynaha uu Qudus geeyey calanka Towxiidka, isaga oo ku tilmaamay tallaabo mudan bogaadin iyo qadarin.

 

Liibaan Maxamuud ayaa sidoo kale sheegay in dadaallo lagu doonayo taageeridda muslimiinta iyo wax ka qabashada arrimaha bani’aadannimada ay qayb ka yihiin ujeeddooyinka socdaalka.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Waftiga Madaxweynuhu kaliya aqoonsi may keenin ee calankii Towxiidka lahaa ayay Qudus geeyeen, waxaanay ka shaqaynaynaa maxaabiista Falastiiniyiinta ah inaan ka sii dayno halkaas, muslimkana u gargaarno.”

 

Hadalka Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Kalluumaysiga ayaa ku soo beegmaya xilli ay socdaan kulamo iyo wada-hadallo kala duwan oo u dhexeeya Somaliland iyo Israa’iil, kuwaas oo la xidhiidha arrimaha diblomaasiyadda, dhaqaalaha iyo iskaashiga labada dhinac.


Loading...
Loading...