Wasiirka Kalluumaysiga oo Sheegay Inuu Kordhay Wax-soo-saarka iyo Isticmaalka Kalluunka

0
Thursday June 18, 2026 - 11:58:04 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 23
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasiirka Kalluumaysiga oo Sheegay Inuu Kordhay Wax-soo-saarka iyo Isticmaalka Kalluunka

    Dhanka kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in inkasta oo ay jirto

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Dhanka kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in inkasta oo ay jirto

 

Wasiirka Kalluumaysiga iyo Khayraadka Badda Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cali Jaamac Faarax (Buureed), ayaa Golaha Wasiirrada warbixin ka siiyey xaaladda guud ee kalluumaysiga dalka, isaga oo sheegay in bilihii u dambeeyey ay soo hagaagtay wax-soo-saarka kalluunka iyo iibkiisa suuqyada magaalooyinka waaweyn.

 

Wasiirku waxa uu xusay in korodhka isticmaalka kalluunka uu la xidhiidho sare u kaca qiimaha hilibka iyo saamaynta abaaraha ee xoolaha, taas oo keentay in dad badani u weecdaan isticmaalka kalluunka.

 

Dhanka kale, Wasiirka ayaa tilmaamay in inkasta oo ay jirto horumar muuqda, haddana wax-soo-saarka kalluunka dalka uu weli hooseeyo marka loo eego baahida jirta, isla markaana loo baahan yahay in la kordhiyo si loo daboolo suuqyada gudaha iyo kuwa dalalka jaarka ah.

 

Wasiirka Kalluumaysiga ayaa sidoo kale sheegay in Wasaaraddu ku hawlan tahay fududeynta helitaanka shahaadadaha caafimaadka ee caalamiga ah ee kalluumaysatada, si loo xoojiyo dhoofka kalluunka Somaliland loona ballaadhiyo suuqyada gobolka iyo kuwa caalamkaba.

 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in horumarinta kalluumaysigu ay door muhiim ah ka qaadan karto koboca dhaqaalaha dalka, abuurista shaqooyin cusub iyo kor u qaadista amniga cuntada.


Loading...
Loading...