Isu dhawaa dharaaruhu hadana kala dhiganaa…W/Q Hamse-Zaki Gahnug

0
Wednesday August 07, 2019 - 17:14:10 in Articles by
  • Visits: 1622
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Isu dhawaa dharaaruhu hadana kala dhiganaa…W/Q Hamse-Zaki Gahnug

    Isu dhawaa dharaaruhu hadana kala dhiganaa…W/Q Hamse-Zaki Gahnug

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Isu dhawaa dharaaruhu hadana kala dhiganaa…W/Q Hamse-Zaki Gahnug


Waan salaamaya dhamaan hawlwadeenada mareegtan iyo akhristayaasha maqaal-kanba.




"Those who can’t remember the past are condemned to repeat it. " Gorge Santayana

Dadka wixi soo maray aan xasuusan waxay ku inkaaranayihiin inay dub ugu laabtaan .

Hadaan guga kuu kordhaa
Gabow mooyee Ku tarin
Garaad iyo waayo arag
Ilayn wax ma dhaantid geed
Abwaan ~Gaariye

"Taarikhdu waa xasuusta umada.” DR. Raqib Alsarjani.


 

Maqaal-kaygan waxan qalin-ka ugu qaatay in aan bulshada ( Rer Somaliland) xasuusiyo dharaaro soo maray taarikhdoodana ka mid ah maqaal-kan waxan u soo qaatay xaal-ka Somaliland maanta ku jirto oo u dhawaw dharaaro hore oo somaray lkn ka dhigan oo ka gedisan wadicigay ku jiraan laakin haday ku socdan natiijada wadadu noqonayso barti hore ay u gaadhen alle kama yeele.


 

Sida aynu taarikh maqal iyo tu loo soo joogayba ku hayno Somaliland 1960 waxay la midawday dhigeedi xoriyada ka qaatay talyaniga ee koonfurta Somalia, dharaaro yar kadiba waxa bilaabmay inay rer Somaliland qoonsadeen qaab-ki kuraasti iyo xukunki dawladnimo loo qaysaday.


Halgan dheer oo naf iyo maalba lahaa kadib Somaliland waxay ku guulaysatay 1991 inay dub xoriyadeeda u hesho . maalmahaas qadhaadha ee halgan-ka lagu jiray dal-ka somalia waxa ka talinayay Siyaad Barre , jabhada xooga badana waxay ahayd SNM .


Kala duwanaasha aragtiyeed maalintaas wuxu ahaa Siyaad barre oo fikir ahaan qaba:

1.SNM waa qaran dumis

2.Isaaq waxayna xaq iigu lahayn ayay doonayaan

3.Odayaasha iyo ganacsatadooy inamadiinan yaryar soo qabta oo ha isku soo dhiiben sharciga.

4.Dal-kani wuu ka koray inamo yaryar oo u soo jabhadeeya waxan ka qaadi maayan.

 

SNM Iyana dhinaceeda waxay aragti qabtay:

1.Siyaad barre wixi umada ka dhexeeyey ayu dadkiisi u qaraabo kiilaya

2.Isaaq hadaynu nahay layna dulmi waxba meesha kuma hayno

3.Dulmi-ga aynu iska rogno oo heeryada iska tuurno.

4.Aynu tusno siyaad barre bal ina rag wuxu yahay iyo IWM.


 

Natiijadi iyo wixi dhacay waxba ku dheeran maayo oo waa la wada ogaa lkn nuxur-ki wuxu ku danbeeyey siyaad barre oo najeeriya ku dhintay iyo urur-ki SNM oo Muuse biixi ka mid ahaa oo madaxwayne yaal ka noqday dal-ka Somaliland.


 

Dharaar kale bal aynu soo qaadno oo la magac baxday dagaal-ki sokeeye 1994 , Cigaal iyo beeshi abtiyaashi ee Garxajis ee isku dhaceen.


Xukuumadda Mw Cigaal l[AhuN] waxay qaadatay aragti ah in ciidanka fadhiya gegida dayuuradaha ee Hargeysa ay yihiin kuwa u daacad ah Jabhadda Mw Tuur l[AhuN]
kaga dhawaaqay Addis-ababa iyo Xil Jaamac M Qaalin "Jaamac Yare".
Odayaashii dhaqanka ee beesha ciidamadaasi waxay ku taliyeen in iyaga loo dhaafo xalinta arinta ciidamadaas iyagoo markaa culays ba'an ku hayey siyaasi Jaamac Yare oo ahaa guddoomiyaha guddida beesha.


Xukumadi Cigaal intay dhaaftay odayshi nabad raadinta ahaa ayay dagaal ku qaaday jabhadaas.


Maalintaas raga hor booday xukumada wax ka mid ahaa Muuse bixi oo wasiirka arimaha gudaha ahaa waagas.


Somaliland waxay ka dhaxayshay maalintaas maahmaahdi ahayd balaayo "Daaman la qabta ayay leedahaye daba la qabte maleh.” oo noqotay inay Somaliland gasho dagaal si fudud ku dhacay oo sokeeye dalku galay mudo dheer wiilal wixi la odhan lahaa waa geesi iyo wixi duunyo hayayba rer Somaliland isku baabiyeen waxayna nuxur-ki ku soo gabo gababawday kelmdi caanbaxday ee Madaxwayne Cigaal ee ahayd " Abtiyaal hala kala adkaado ayan islahaaye waa la isku barbar dhace nabada aynu ka wada shaqayno”.

Khasaare dheer kadib Somaliland dagaal-kasay taarikh-da waxay ku diwaan gelisay magaca ah " Dagaal Sokeeye”.

Hadaba waxay tahay muwaadin maxa maanta isu muuqda ee aad mooda inayna taarikh-du inagu kordhin.

Laga bilaabo Maalin-ti Somaliland loo dhaariyay kursiga madaxtinimo Muuse bixi waxa soo baxay:

1. Kala qaybsanaan xoog wayn oo umada dhexdeeda ah.

2. Xukuumad uu soo dhisay oo beeshasa mud-ki iyo kurus-kiiba iskugu dartay isagoo ku kabay inuu kuraasti hore ee ay haysteena sideedi ugu daayo.

3. Mashaaricaha dalka ka socda ee la magac baxay GPLG oo deegano gaar ah lagu horumariyo oo Somaliland u sinayn.

4. Dhayalsi iyo dhegaysi la’aan cabasha beelaha kuwa beesha dhexe ah iyo kuwa darafyada ahba.

5. Dagaal jaho wareersan oo gobol-ka sanaag kusoo noqnoqday ilaa hadana xal loo la’yahay.

6. Qasnaanta siyaasadi arimaha dibada oo Somalia ay Somaliland kaga adkaatay meel walbana ka soo xidhay sida Hawada , bada iyo hada oo arimaha ganacsiga ay gacanta ku hayso sida arinta xawaaladaha oo rabto inay dhamaan lahagaha dal-ka loo soo dira somaraan Somalia Central Bank.

Arinta janabda Col. Caare

Col. Caare wuxu ahaa saraakisha ugu magac wayn ciidamada qalab-ka sida (Somaliland military army) isagoo u qaabilsanaa xaga sahan-ka ee ciidan-ka, shaqaaqoyinki soo noqnoqday ee gobol-ka sanaag inu ka cadhooday siday ciidan-ku u maamuleen isku dhacaydi beelaha kadibna sidaas ku talaabay jabhad hubaysana ku samaystay hadana ku jiro gudaha Somaliland kiiyo ciidan iyo huba haysta.

Xukuumada gadhwadeen-ka ka yahay Muuse Biixi hada waxay ku dayday cudud ciidan waxna lagama faaidin oo dhimasho shacab-ka somalilan ah ayunbay ka faaiday lkn wali uma cada xukuumada inay iyadu masuul ka tahay qasaaraha cida dhimata dhinacay doonto ha ahaate waayo dawlad kale oo ay leeyin ma jirto .

Caare xal nabadayn oo dub loo qarameeyo gacmo qabawna lagu soo dhaweeyo ayu u baahanyay lkn hanjabaad iyo dulqaad dhamaaday uma baahna.

Labada hogaamiye Somaliland Muuse biixi iyo Mohamed kaahin maanta waxa waano u ah oo xaal-koodu u muuqda gabaygi ismaaciil mire ee sida tan ahaa:

Adaa dunida kaligaa leh buu Koofil eersadaye
Kashkiisaba ma gelin wiilalbaa keebka kuu qabane
Ragow kibirka waa lagu kufaa kaa ha la ogaado

Hadaan arinta caare xal caqilsan hadaan lagu dayn oo guluf colaaded lagu qaado waxay noqon in dal-ku dub u galo xaalad dagaal sokeeye Caare-na rer ayu noqon Muuse biixi iyo Mohamed kahin-na reero ayuunbay noqon cidan-kuna wu kala tegi alle kama dhigo taas ee caqli ha usoo celiyo raga maanta hogaan-ka haya.

Maqaal-kan umadayda rer Somaliland waxaan ula wadaagay dharaarihi ina soomaray inaynu wadado hayno kuwo u eeg maanta haydanan ka baydhin oo sidano kale si fudud hawlo inagu cuslaaday inoogu dhaceen taarikhda aynu wax ka baranow oo wadadi hore ka baydhno.

Qore: Xamse Gaaxnuug

 

AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...