Somaliland iyo Israa'iil oo Kala Saxeexday Heshiis Balaadhan oo Amni, Dhaqaale iyo Istaraatiijiyad ah

0
Wednesday June 17, 2026 - 19:20:16 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland iyo Israa'iil oo Kala Saxeexday Heshiis Balaadhan oo Amni, Dhaqaale iyo Istaraatiijiyad ah

    Labada dal ayaa sidoo kale isla qaatay in la dhiso hannaan rasmi

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Labada dal ayaa sidoo kale isla qaatay in la dhiso hannaan rasmi



Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil ayaa si rasmi ah u kala saxeexday heshiis balaadhan oo iskaashi ah, kaas oo salka ku haya xoojinta xidhiidhka labada dal ee dhinacyada amniga, dhaqaalaha iyo istaraatiijiyadda.

 

Heshiiskan taariikhiga ah ayaa la saxeexay kaddib kulan heer sare ah oo dhex maray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo madaxda sare ee Dawladda Israa’iil.

 

Qodobada ugu muhiimsan ee heshiiska ayaa diiradda saaraya iskaashiga amniga, kobcinta ganacsiga iyo maalgashiga, horumarinta tiknoolajiyadda, tamarta, beeraha, biyaha, iyo xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed ee labada dhinac.

 

Labada dal ayaa sidoo kale isla qaatay in la dhiso hannaan rasmi ah oo lagu sii ambaqaadayo iskaashiga istaraatiijiga ah, si loo abuuro fursado cusub oo dhaqaale iyo horumarineed oo ay ka faa’iidaystaan labada shacab.

 

Masuuliyiinta Somaliland iyo Israa’iil ayaa heshiiska ku tilmaamay mid furaya bog cusub oo xidhiidhka labada dal ah, isla markaana xoojinaya iskaashiga ku dhisan dano wadaag, is-ixtiraam iyo horumar waara.

 

Heshiiskan ayaa loo arkaa mid ka mid ah heshiisyadii ugu waaweynaa ee Somaliland la gasho dal shisheeye, isagoo astaan u ah marxalad cusub oo xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ah.


Loading...
Loading...