Guddida Arrimaha Bulshada oo Xog-waraysi La Yeelatay Wasiirka Warfaafinta
Guddida Arrimaha Bulshada ee Golaha Wakiillada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa kulan xog-waraysi iyo naaqishaad ah la yeelatay Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray hannaanka ansixinta Wasiirka, heerkiisa waxbarasho, waayo-aragnimadiisa shaqo iyo qorshayaasha uu u dejiyey horumarinta Wasaaradda Warfaafinta.
Xubnaha Guddida ayaa Wasiirka weydiiyey su’aalo kala duwan oo la xidhiidha shaqada uu Qaranka u hayo, qorshayaasha mustaqbalka iyo sida uu u doonayo inuu u horumariyo adeegyada iyo hawlaha Wasaaradda.
Wasiirka ayaa si faahfaahsan uga jawaabay su’aalihii la weydiiyey, isaga oo sharaxay himilooyinkiisa iyo qorshayaasha uu ku doonayo inuu ku horumariyo shaqada Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta.
Ugu dambayn, Wasiirka ayaa uga mahadceliyey Guddida Arrimaha Bulshada kulanka iyo fursadda ay u siiyeen inuu soo bandhigo qorshayaashiisa, isaga oo xusay inuu diyaar u yahay la shaqaynta Golaha Wakiillada iyo dhammaan hay’adaha Qaranka.


0 





