Madaxweyne Cirro oo Booqasho Taariikhi ah ku Tagay Baarlamaanka Israa'iil

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), Marwada Koowaad ee Qaranka iyo weftigii uu hoggaaminayey ayaa maanta booqasho-sharafeed taariikhi ah ku tagay Baarlamaanka Israa’iil (Knesset).
Madaxweynaha iyo weftigiisa ayaa halkaasi lagu qaabilay hab-maamuus qaran oo heer sare ah, oo ay ku jirtay salaanta ciidamada sharafta (Guard of Honour), taas oo muujinaysa maamuuska iyo qaddarinta ay Israa’iil u hayso Jamhuuriyadda Somaliland iyo hoggaankeeda.
Intii ay booqashadu socotay, Madaxweyne Cirro waxa uu saxeexay Buugga Martida Sharafta ee madaxda caalamka ee booqda Knesset-ka, isaga oo ku qoray farriin ka hadlaysa qiimaha dimuqraadiyadda, nabadda, xasilloonida, iskaashiga iyo xidhiidhka sii kobcaya ee Somaliland iyo Israa’iil.
Madaxweynaha ayaa sidoo kale carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay iskaashiga iyo is-dhaafsiga aqoonta ee ka dhexeeya hay’adaha sharci-dejinta ee labada dal, isaga oo ka duulaya waayo-aragnimadiisii 12-ka sano ahayd ee Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland.
Waxa uu sheegay in wada-shaqaynta baarlamaannada labada dhinac ay door weyn ka qaadan karto xoojinta dimuqraadiyadda, horumarinta nidaamka axsaabta badan iyo tayaynta geeddi-socodka doorashooyinka.
Madaxweyne Cirro ayaa uga mahadnaqay Guddoomiyaha Baarlamaanka Israa’iil (Knesset), Mudane Amir Ohana, iyo mudanayaasha golahaasi sida diirran ee ay isaga iyo weftigiisa u soo dhaweeyeen.
Booqashadan ayaa loo arkaa mid ka mid ah dhacdooyinka taariikhiga ah ee ka markhaati kacaya xidhiidhka sii kobcaya ee Somaliland iyo Israa’iil, isla markaana muujinaysa doorka sii kordhaya ee Somaliland ku leedahay masraxyada gobolka iyo kuwa caalamkaba.


0 





