Somaliland oo Si Adag Uga Jawaabtay War-Murtiyeedkii Soomaaliya

0
Tuesday June 16, 2026 - 18:10:43 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 66
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Si Adag Uga Jawaabtay War-Murtiyeedkii Soomaaliya

    Ugu dambayn, Somaliland ayaa ku adkaysatay inay mar walba difaaci

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ugu dambayn, Somaliland ayaa ku adkaysatay inay mar walba difaaci


Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag u diidday war-murtiyeed ka soo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya oo la xidhiidha wada-xaajoodyada diblomaasiyadeed iyo madax-bannaanida Somaliland.


 

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa sheegtay in booqashadii taariikhiga ahayd ee Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ay muujisay xidhiidhka sii xoogaysanaya ee Somaliland la leedahay beesha caalamka, isla markaana ay caddeyn u tahay xaqa Somaliland u leedahay inay si madax-bannaan u maamusho xidhiidhadeeda arrimaha dibadda.

 

Wasaaraddu waxay xustay in Somaliland ay sii wadi doonto dedaallada ay ku xoojinayso xidhiidhadeeda caalamiga ah iyo kor u qaadista doorkeeda diblomaasiyadeed.

 

Ugu dambayn, Somaliland ayaa ku adkaysatay inay mar walba difaaci doonto qaranimadeeda, karaamadeeda iyo madax-bannaanideeda, iyadoo carrabka ku adkaysay inay sii wadayso dedaallada lagu xoojinayo mawqifkeeda caalamiga ah.

 

War-saxaafadeedkan ayaa si rasmi ah uga soo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland.


Loading...
Loading...