Masuuliyiin ka Tirsan Somaliland oo Tababar Maareynta Biyaha ah uga Bilaabmay Israa'iil

TEL AVIV, Israa’iil – Wafti ka kooban 25 masuul iyo khubaro sare oo ka socda Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland iyo wakaaladaha biyaha ee magaalooyinka dalka ayaa gaadhay Israa’iil, halkaas oo ay uga bilaabmeen tababar gaar ah oo ku saabsan maareynta waarta ee biyaha magaalooyinka.
Barnaamijkan tababarka ah ayaa ujeeddadiisu tahay kor u qaadista aqoonta iyo xirfadaha la xidhiidha qorshaynta khayraadka biyaha, horumarinta kaabeyaasha biyaha iyo hirgelinta nidaamyo wax-ku-ool ah oo lagu maareeyo biyaha magaalooyinka, gaar ahaan deegaannada abaaruhu ku badan yihiin.
Tababarka ayaa si rasmi ah u furay Danjiraha Arrimaha Biyaha Adduunka ee MASHAV, hay’adda horumarinta caalamiga ah ee Israa’iil, Ambassador Ronny Yedidya Clein, kaas oo soo dhaweeyey waftiga Somaliland, isla markaana carrabka ku adkeeyey muhiimadda iskaashiga labada dhinac ee wax ka qabashada caqabadaha biyaha ee dunida.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in barnaamijkani uu ka tarjumayo xidhiidhka sii kobcaya ee Somaliland iyo Israa’iil, gaar ahaan dhinacyada horumarinta biyaha, gudbinta tiknoolajiyadda iyo dhisidda awoodda aqooneed ee hay’adaha biyaha.
Waxaa la filayaa in tababarkani uu masuuliyiinta iyo khubarada Somaliland ku qalabeeyo aqoon iyo farsamooyin casri ah oo gacan ka geysan doona horumarinta adeegyada biyaha magaalooyinka iyo xaqiijinta maareyn waarta oo khayraadka biyaha ah.


0 





