Doqoniimo Waa Cadawo, Waa Wax Laga Ducaystaa.
Bismillaahi Alraxmaan Alraxiim
[A.S.C.W.R.W.B]Tu Khaas Ahna,
Bahda H/W Iyo Akhristayaasha.
1-Deris Iyo Walaalnimo,
Dawlado Isgarab Yaala,
Dad Dhexdoda Soo Gelin,
Doonaayay Garan Weyde.
2-Doqonta Haboowsano,
Door Bida Xumaantuune,
Dagaal Noogu Baaqdaye,
Cirka Jeexayaga Dumiya.
3-Daalayo In Badanbanu,
Idin Duraamanaynayood,
Wanaaga Iska Diideenoo,
Abgaalba Danbaabidhay.
4-Dalabku Gurguurte
Soo Diray Gudoonayo,
Diyaarba Laguu Nahay,
Waxad Hayso Soo Daa.
5-Dagaal Baanad Gelino,
Duminta Xaafadaha Iyo,
Danyar Mooday Gurigeed.
Daadah Oo Ku Soo Booda.
6-Deji Waxaad Isleedahay,
Dafcadaha Mucaaridkee,
Digo Nimaan Caga Gelini,
Daba Weli Kumu Gubanin.
7-Dadkan Loo Hanjabaya,
Ma Aha Digiyo Midhifleh,
Waa Duul Laga Ducaysto,
Dulqaadkooda Lagu Jabo.
Handuleh Ismail.
AFEEF:
Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!


0 





