Madaxweyne Cirro iyo Raysal Wasaare Netanyahu oo Kala Saxeexday Heshiis Istaraatiiji ah

0
Tuesday June 16, 2026 - 11:30:52 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 22
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Madaxweyne Cirro iyo Raysal Wasaare Netanyahu oo Kala Saxeexday Heshiis Istaraatiiji ah

    Madaxweyne Cirro oo Ka Mahadnaqay Aqoonsiga Somaliland

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Madaxweyne Cirro oo Ka Mahadnaqay Aqoonsiga Somaliland


May be an image of text that says 'LAAAA X'


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo ku guda jira booqashadiisii rasmiga ahayd ee dalka Israa’iil, ayaa maanta kulan heer sare ah la yeeshay Raysal Wasaaraha Dawladda Israa’iil, Mudane Benjamin Netanyahu.

 

Kulanka ayaa lagu tilmaamay mid taariikhi ah oo muujinaya xoojinta xidhiidhka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga istaraatiijiga ah ee u dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil.

 

Madaxweyne Cirro oo Ka Mahadnaqay Aqoonsiga Somaliland

 

Madaxweynaha Somaliland ayaa Raysal Wasaaraha Israa’iil uga mahadnaqay go’aankii ay Dawladda Israa’iil si rasmi ah ugu aqoonsatay Jamhuuriyadda Somaliland dal madax-bannaan, tallaabadaas oo uu ku tilmaamay mid geesinimo leh, taariikhi ah isla markaana leh miisaan siyaasadeed iyo diblomaasiyadeed.

 

Madaxweyne Cirro ayaa sheegay in aqoonsigaasi uu yahay guul muhiim ah oo bog cusub u furtay dadaalladii muddada dheeraa ee ay Somaliland ugu jirtay xaqiijinta aqoonsi caalami ah.

 

Waxa uu xusay in aqoonsigu aanu ahayn oo keliya tallaabo diblomaasiyadeed, balse uu yahay xaqiijin muujinaysa jiritaanka siyaasadeed, sharciyeed iyo taariikheed ee Somaliland.

 

Heshiis Istaraatiiji ah oo Labada Dhinac Kala Saxeexdeen

 

Kulanka kaddib, Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Israa’iil ayaa si rasmi ah u kala saxeexday Baaq Istaraatiiji ah oo lagu xoojinayo iskaashiga labada dhinac.

 

Heshiiska ayaa dhigaya aasaaska xidhiidh istaraatiiji ah oo waara, kaas oo diiradda saaraya dhinacyada dhaqaalaha, amniga, tiknoolajiyadda, maalgashiga iyo horumarinta bulshada.

 

Labada dhinac ayaa sheegay in heshiiskani uu horseedi doono iskaashi qoto dheer oo ku dhisan is-ixtiraam, kalsooni iyo dano wadaag.

 

Bilowga Marxalad Cusub

 

Masuuliyiinta labada dhinac ayaa kulanka ku tilmaamay bilowga marxalad cusub oo xidhiidhka Somaliland iyo Israa’iil ah, taas oo la filayo inay kor u qaaddo iskaashiga siyaasadeed, dhaqaale iyo amni ee labada dal.

 

Waxa la isla qaatay in la sii xoojiyo wada-shaqaynta iyo is-dhaafsiga khibradaha si loo gaadho himilooyinka ay wadaagaan labada dhinac.

 

Madaxweyne Cirro oo Guddoonsiiyey Billad Sharaf

 

Gabagabadii kulanka, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa Raysal Wasaaraha Israa’iil, Mudane Benjamin Netanyahu, guddoonsiiyey Billad Sharaf Qaran.

 

Billaddan ayaa lagu maamuusay doorka iyo taageerada uu Raysal Wasaaruhu ka geystay xoojinta xidhiidhka labada dhinac iyo aqoonsiga ay Israa’iil siisay Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Kulankan iyo heshiiska laga soo saaray ayaa loo arkaa tallaabo muhiim ah oo lagu horumarinayo xidhiidhka iyo iskaashiga Somaliland iyo Israa’iil ee mustaqbalka.

Loading...
Loading...