Safiirka Somaliland ee Kenya oo Ku Baaqay In Dalal Kale Ku Daydaan Israa'iil Aqoonsigana Siiyaan Somaliland

0
Friday June 12, 2026 - 19:49:38 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Safiirka Somaliland ee Kenya oo Ku Baaqay In Dalal Kale Ku Daydaan Israa'iil Aqoonsigana Siiyaan Somaliland

    Somaliland Oo Buuxisay Shuruudaha Dowladnimo

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Somaliland Oo Buuxisay Shuruudaha Dowladnimo



Safiirka Jamhuuriyadda Somaliland u fadhiya dalka Kenya, Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar, ayaa sheegay inay rajaynayaan in dalal badan oo caalamka ahi ay ku daydaan Israa’iil, isla markaana ay aqoonsadaan Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Danjiraha ayaa hadalkan ka jeediyey munaasibad lagu xusayay sannad-guurada 18-ka May oo galabta lagu qabtay magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaas oo ay isugu yimaadeen xubno ka tirsan qurba-joogta Somaliland, diblomaasiyiin iyo marti sharaf kale.

 

Somaliland Oo Buuxisay Shuruudaha Dowladnimo

 

Safiirka ayaa sheegay in Jamhuuriyadda Somaliland ay buuxisay dhammaan shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan, isaga oo xusay in ay leedahay xuduudo cad, hay’ado dowladeed oo shaqaynaya, amni, dimuqraadiyad iyo nidaam dawladnimo oo dhisan.

 

Waxa uu sheegay in sababtaas awgeed ay Somaliland xaq u leedahay in ay hesho aqoonsi caalami ah.

 

Baaq Ku Socda Kenya

 

Dr. Maxamed Cabdillaahi Cumar ayaa sidoo kale sheegay in Kenya, oo uu ku tilmaamay waddan dimuqraadi ah oo hormuud u ah gobolka, ay tahay in ay tixgeliso qaddiyadda Somaliland isla markaana ay aqoonsato qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland.

 

Waxa uu tilmaamay in xidhiidhka iyo wada-shaqaynta ka dhexaysa Somaliland iyo Kenya ay mudan tahay in loo sii gudbo heerar sare oo diblomaasiyadeed.

 

Jawaab Ku Saabsan Mowqifyada Ka Soo Horjeeda Aqoonsiga

 

Safiirka ayaa sheegay in tan iyo markii ay soo baxeen wararka la xidhiidha aqoonsiga Somaliland ay jireen dhinacyo ka soo horjeeda arrintaas, balse uu xusay in rabitaanka shacabka Somaliland uu ka xoog badan yahay caqabad kasta oo dibadeed.

 

Waxa uu yidhi:

 

"Jamhuuriyadda Somaliland waa waddan buuxiyey dhammaan shuruudaha looga baahan yahay dal madax-bannaan. Sidaa darteed waa in dunidu qirto xaqa ay reer Somaliland u leeyihiin aqoonsi caalami ah. Waxa jira kuwo ka soo horjeeda aqoonsiga Somaliland, balse waxa ka weyn rabitaanka shacabka Jamhuuriyadda Somaliland.”

 

Dardargelinta Diblomaasiyadda Somaliland

 

Safiirka Somaliland ee Kenya ayaa ugu dambayn xusay in Somaliland sii waddo dadaallada diblomaasiyadeed ee ay ku raadinayso aqoonsi caalami ah, isaga oo muujiyey rajo ah in mustaqbalka dhow ay sii kordhi doonaan dalalka fahmaya qaddiyadda Somaliland iyo muhiimadda ay ku leedahay gobolka Geeska Afrika.


Loading...
Loading...