Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland iyo IOM oo Ka Wada Hadlay Xoojinta Xidhiidhka Qurba-joogta

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdiraxmaan Xasan, ayaa xarunta Wasaaradda ku qaabilay masuuliyiin ka socday Hay’adda Socdaalka Adduunka (IOM), oo uu hoggaaminayey Madaxa Xafiiska IOM ee Somaliland, Mudane Liibaan Maxamuud Ciise.
Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta ka dhexaysa Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Hay’adda IOM, gaar ahaan arrimaha la xidhiidha qurba-joogta Somaliland iyo sidii loo kobcin lahaa kaalinta ay ku leeyihiin horumarka dalka.
Xoojinta Xidhiidhka Qurba-joogta iyo Dalka
Agaasimaha Guud ayaa kulanka furitaankiisii ku soo dhaweeyey masuuliyiinta IOM, isaga oo ka warbixiyey doorka Wasaaradda Arrimaha Dibaddu ku leedahay isku xidhka qurba-joogta iyo dalkooda hooyo.
Waxa uu sharaxay tallaabooyinka ay Wasaaraddu qaaday si loo abuuro xidhiidh joogto ah iyo wada-shaqayn wax ku ool ah oo lala yeesho qurba-joogta Somaliland ee ku nool daafaha dunida.
Falanqayn Lagu Sameeyey Qorshayaasha Mustaqbalka
Intii uu kulanku socday, dhinacyadu waxay falanqeeyeen qorshayaal iyo tallaabooyin muhiim ah oo lagu horumarinayo iskaashiga labada dhinac.
Waxa si gaar ah looga hadlay horumarinta iyo xoojinta mareegta diiwaangelinta iyo kaydka xogta qurba-joogta, taas oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu daah-furtay bishii saddexaad ee sannadkan iyadoo kaashanaysa Hay’adda IOM.
Ka Faa’iidaysiga Aqoonta iyo Xirfadaha Qurba-joogta
Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa-guray sidii dalka loogu soo jiidi lahaa dhalinyarada xirfadlayaasha ah ee qurba-joogta ka tirsan, si aqoontooda iyo khibraddooda looga faa’iidaysto horumarinta dalka iyo kobcinta xirfadaha dhalinyarada gudaha ku nool.
Waxa kale oo laga wada hadlay hirgelinta Siyaasadda Qaranka ee Qurba-joogta iyo sidii IOM uga qayb qaadan lahayd diyaar-garowga Shirweynaha Toddobaadka Dhaqanka Qurba-joogta, oo ay Wasaaradda Arrimaha Dibaddu sannad kasta qabato.
IOM oo Ballan-qaadday Taageero Dheeraad ah
Masuuliyiinta Hay’adda IOM ayaa caddeeyey inay diyaar u yihiin inay Wasaaradda ka taageeraan barnaamijyada iyo mashaariicda la xidhiidha qurba-joogta, iyaga oo xusay muhiimadda ay leedahay in mudnaan la siiyo qorshayaasha kor u qaadaya xidhiidhka iyo iskaashiga qurba-joogta iyo dalkooda.
Dardargelinta Arrimaha Qurba-joogta
Gabagabadii kulanka, Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ayaa uga mahadceliyey Hay’adda IOM wada-shaqaynta ay la leedahay Wasaaradda iyo taageerada ay ka geysato arrimaha qurba-joogta.
Waxa uu adkeeyey in Wasaaraddu ay ka go’an tahay sii wadista iyo dardargelinta dhammaan hawlaha lagu xoojinayo xidhiidhka qurba-joogta iyo dalkooda, isla markaana ay soo dhoweynayso cid kasta oo kala shaqaynaysa arrimahaas muhiimka ah.


0 





