Xero Bahal Ku JIro Xoolo Kuma Dhaqmaan ( Abdi-Shotaly).

0
Wednesday August 07, 2019 - 15:27:51 in Articles by Hadhwanaag News
  • Visits: 1779
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Xero Bahal Ku JIro Xoolo Kuma Dhaqmaan ( Abdi-Shotaly).

    Bahalka la yidhaaho Waraabaha ama dhurwaaga qof-ba siduu u yaqaano, baa waxa la yidhi,

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Bahalka la yidhaaho Waraabaha ama dhurwaaga qof-ba siduu u yaqaano, baa waxa la yidhi,

waa adigan cag dhigi waayey, oo xoolo lumay uun baad doon-doonay-saaye, waxanu damacnay in ay diif-taas kaa hadho, hantidda bani'aadam-kana aad nabad gelisid, umadan ku wadda eryanay-saana aad ka bad-baadid oo nabad ku wadda noolaataan, waxna lagu siiyo aad kaga baxdo dey-dey-nimadda, adna aad iska deyso duun-yadan aad cidladda ku laynayso. Mr Dhurwaa inta uu dhoosha cadeeyey, oo hoos qosolkii u qariyey, hadana uu ku farxay hadalka ka soo yeedhay dadkii uu ka carari jirey, buu misna is adkeeyey oo is yidhi, waxa la rabaa in lagu khiyaameeyo, oo siddii laguu qaban lahaa baa laguu qoolayaa,  ee iska hubso inta aanad adbinka ku dhicin, dabeed wuxu yidhi, bal hadda ii fasila arinta aad iila socotaan waxay tahay iyo sidda ay u suuro-gelayso, dareen weyn baan ka qabaaye. ogaw-se waxa khaldan dadka wax u diranaaya Mr Dhurwaa, xaal-kaas isaga ah, wax kaste oo ka yimaadda waxa mansuuliya-deedda leh, kii dhurwaa ama waraabe xoolo raacsaday, isaga-se ( Waa Mr waraabe'e waa bilaa denbi), oo hilb baa la hor dhigay.

 

Waxay socoto-ba waxa la weydiiyey " Waraabaw adhi maad raaci?" Adna waad ka raysan doontaa dadkan kula wadda colka ah, oo waad heshiin doon-taan, duunya-duna waxay Iyana ka raysan doontaa baqdintii ay kaa qabeen, ee ahayd in aad cunayso, oo marka ay arkaan in aad raacayso adigu oo tahay kii ilaali-naayey, si wacan bay niyadu ugu degaysaa, oo nabad bay meel kasta oo ay ka baqan jireen, ay hawl yari ugu daaqayaan. Mr Waraabe inta uu yaabay, oo ay sheekaddii geli wayday, una qaadan waayey xoolihii aad orod iyo ayaanba ku wayday, baad si yar oo fudud gacan-taadda u soo geli doona. baa wuxu ku jawaabay " Ma-daba ka daaya" Taasi su'aal la is weydiiyo maahee! waxa uu sidaas u leeyahay-na, qofkii in uu caqli lihi wuu garanayaa, kii kale-na loo seegi mayo, ee waa isaga iyo aqoontii. Mr Dhurwaa ama Waraabe, Wuxu og yahay in uu maanta galay janaddii Faruusa, oo ducaddii uu ilaah ka baryi jirey maanta laga aqbalay, mar haddii lagu aaminay wixii uu intii magaciisu jirey-ba uu raadi-naayey, colaadiina ka dhamaatay, oo uu isagu ka boos yahay habeen-kaas caawa ah Xoolihii. ee uu u Bohol-yoobay inta badan. Akhristaw maalintii ugu horeeysay ee uu raaca-ba, waa ka wan weyn oo shan jira kaga soo tufay, ilayn diiftii buu qabaaye, dabeed inta uu afka boodhka soo marsaday, soona qabtay dacawo uu soo dilay, oo ka mid ah kuwii raqdda la cunaayey, buu u keenay dadkii u dirtay xoolaha, oo uu ku yidhi Dacawadan baa dishay wankii weynaa, ana iyaddii baa sii dilay ( Ilayn wa akiis iska waale), oo been buu rabaa in uu ku baxsado, oo sidaas cisho kaste-ba neef ku soo cuno, misana khiyaali iyo wax aan Jiri ku maaweeliyo dadka sidda askariga " Raggii ma adigaa ka hadhaye".

 

 Waxa la yidhi "Awrkii heerya-diisa cunaa isagaa aakhirka garba-beelee" Waxan uga socdaa, oo aan u soo dul-maray qisadan sare ku taal, tahay-na ujeedadda aan ka leeyahay. Ummadda reer Somaliland iyadda cag-teedda ku doonatay dey-day aan naf lahayn, oo la yaqaanay wuxu yahay, haduu sidaas nadiif ku yahaye, maba ay xumaateene, weliba cuqda-daysan, oo colaad iyo xaqdi beerka googooyey, buka oo aan dawo loo helayn, beryo hore bay somalidu ugu maah-maah-day, kuwa noocan ah oo ay tidhi " Xero bahal ku Jiro xoolo kuma dhaqmaane". Hadaba haddii laga faa'iidaysan waayo waayo'aragnimadda aad lugta ku soo dhufatay, ee ahaa arimihii hawl yaraanta iyo fudaydka beelaysan aad ugu kacday, wixii aad kala kulantay, kuna dhaxal-siisay lugooyadda iyo baaba'a maanta kugu habsaday, xumaanta lagu kala dhex beeray Ummaddii gacmaha is haysatay, ee colaaduhu ka oogan yihiin gobol kaste, dalkii oo jeex la siiyey Puntland, beelo dhan oo sidoodda uga baxay, Somaliland oo dawlad Goboleed ku dambaysay, boob sidda waraaba-haas sare aan ku soo sharaxay, Askarigii ( Raggii ma adigaa ka hadhay iyo Geenyo Shaaximan) iyo caya-yaankuu watay ku kala tageen. ilayn bahal bilaa edeb ah baa u hor jooge ahe, waxan ku soo dabray, Murtiddii Tima-cade (IHUN) ee ahayd " Duulkii inkaar qaba jinaa daasadaw tuma'e" Habaarka idinku dhacay umad yahay, indinkaa isu geestay, markaad weli ugu sacab garaacay-saan waxa ay wadaan labadda askari.

* N.B Awrkii Heerya-diisa Cunaa, Isagaw Garba Beela!

Qore:- Abdi-shotaly.

[email protected]


AFEEF:

Hadhwanaagnews marnaba masuul kama aha Aragtida dadka kale. Qoraaga ayaa xumaanteeda, xushmadeeda iyo xilkeeda sida. waxa kaliya oo Hadhwanaagmedia dhiirigalinaysaa, isdhaafsiga aragtida, canaanta gacaliyo talo wadaagga!

Loading...
Loading...