Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo Dhagax-dhigtay Dhaam Biyoodka Deegaanka Ina-Igare

0
Friday June 12, 2026 - 19:05:19 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 27
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland oo Dhagax-dhigtay Dhaam Biyoodka Deegaanka Ina-Igare

    Ka Jawaabista Baahida Biyaha

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Ka Jawaabista Baahida Biyaha



Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, ayaa ka hadlay dhaam biyood cusub oo maanta laga dhagax-dhigay deegaanka Ina-Igare ee degmada Salaxlay.

 

Mashruucan ayaa qayb ka ah dadaallada xukuumaddu ku xoojinayso helitaanka biyaha iyo wax ka qabashada baahiyaha biyood ee bulshada ku dhaqan deegaannada miyiga ah.

 

Ka Jawaabista Baahida Biyaha

 

Agaasimaha Guud ayaa sheegay in Wasaaradda iyo Xukuumadda Somaliland ay ku faraxsan yihiin inay ka jawaabaan mid ka mid ah baahiyihii ugu waaweynaa ee bulshada deegaankaasi ay muddada dheer qabtay.

 

Waxa uu xusay in dhaamkan cusub uu door weyn ka qaadan doono kaydinta biyaha iyo yaraynta caqabadaha dhinaca biyaha ee deegaanka Ina-Igare iyo deegaannada ku xeeran.

 

Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen ayaa yidhi:

 

"Maanta farxad weyn bay noo tahay inaynu ka jawaabayno mid ka mid ah baahiyihii ugu cuslaa ee reer deegaankani lahaayeen, kaas oo ahaa biyaha. Dhaamka deegaanka Ina-Igare laga dhisi doonaa waa dhaam dhammaystiran, waxaana la gelin doonaa dhaqaale wanaagsan oo ay inaga taageertay hay’adda FOA.”

 

Taageerada Hay’adda FOA

 

Agaasimaha Guud ayaa tilmaamay in mashruuca dhaamkan biyood uu ku hirgelayo taageero dhaqaale oo ay bixisay hay’adda FOA, taas oo gacan ka geysanaysa horumarinta adeegyada biyaha iyo adkaynta nolosha bulshada deegaanka.

 

Waxa uu xusay in dhaamku noqon doono mid casri ah oo si weyn uga faa’iidayn doona dadka iyo xoolaha ku nool deegaanka.

 

Baaq ku Saabsan Ilaalinta Dhaamka

 

Mudane Cabdishakuur ayaa bulshada deegaanka ugu baaqay inay si gaar ah uga shaqeeyaan ilaalinta iyo daryeelka dhaamka, maadaama uu yahay hanti guud oo loogu talagalay in ay ka faa’iidaystaan dhammaan bulshada.

 

Waxa uu carrabka ku adkeeyey in inkastoo dhaamku u adeegayo dhammaan shacabka, haddana masuuliyadda ugu weyn ee ilaalintiisu ay saaran tahay dadka deegaanka uu ku yaallo.

 

Horumarinta Adeegyada Biyaha

 

Dhismaha dhaamkan cusub ayaa qayb ka ah qorshayaasha Wasaaradda Horumarinta Biyaha Somaliland ee lagu kordhinayo helitaanka biyaha, lagu taageerayo bulshada reer miyiga ah, laguna horumarinayo kaabeyaasha biyaha ee gobollada dalka.


Loading...
Loading...