Somaliland oo Xustay Maalinta Kaneecada Adduunka, Digniin Laga Bixiyey Korodhka Cudurrada Ay Faafiso

0
Wednesday June 10, 2026 - 20:53:36 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 42
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Somaliland oo Xustay Maalinta Kaneecada Adduunka, Digniin Laga Bixiyey Korodhka Cudurrada Ay Faafiso

    Korodhka Cudurrada Ay Kaneecadu Gudbiso

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Korodhka Cudurrada Ay Kaneecadu Gudbiso


May be an image of one or more people, dais and text


Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland, Dr. Maxamed Daahir, iyo Agaasimaha Guud ee Wasaaradda, Dr. Axmed Maxamuud Jaamac, ayaa maanta ka qaybgalay munaasibadda xuska Maalinta Kaneecada Adduunka oo lagu qabtay magaalada Hargeysa.


 

Munaasibaddan oo uu soo qabanqaabiyey Xafiiska Xakamaynta Duumada iyo Cudurrada ay Kaneecadu Gudbiso, ayaa diiradda lagu saaray wacyigelinta bulshada iyo xoojinta dadaallada lagu xakamaynayo cudurrada ay kaneecadu faafiso.

 

Korodhka Cudurrada Ay Kaneecadu Gudbiso

 

Munaasibadda waxaa lagu soo bandhigay warbixino la xidhiidha xaaladda cudurrada ay kaneecadu gudbiso ee Somaliland, gaar ahaan Duumada, Xumadda Dhenga (Dengue Fever) iyo Kuduudiye, kuwaas oo muddooyinkii u dambeeyey laga dareemayey korodh ku yimid tirada kiisaskooda.

 

Masuuliyiinta caafimaadka ayaa xusay in cudurradani weli khatar ku yihiin caafimaadka bulshada, isla markaana loo baahan yahay in la xoojiyo tallaabooyinka ka hortagga iyo wacyigelinta dadweynaha.

 

Farriimo Wacyigelineed oo Bulshada Loo Gudbiyey

 

Madaxda Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka iyo marti-sharaftii ka qayb-gashay munaasibadda ayaa bulshada gaadhsiiyey farriimo muhiim ah oo ku saabsan hababka looga hortagi karo cudurrada ay kaneecadu gudbiso.

 

Waxay ku boorriyeen shacabka inay ilaaliyaan nadaafadda deegaanka, ka hortagaan biyaha fadhiya ee kaneecadu ku taranto, isla markaana isticmaalaan marakaneecooyinka iyo hababka kale ee difaaca caafimaadka.

 

Himilada Somaliland oo Ka Madhan Duumo

 

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa carrabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay wada-shaqaynta bulshada, hay’adaha caafimaadka iyo bahwadaagta kale si loo xaqiijiyo himilada Wasaaradda ee ah Somaliland ka madhan duumo iyo cudurrada kale ee ay kaneecadu sababto.

 

Waxay sheegeen in guusha lagaga hortagayo cudurradan ay ku xidhan tahay ka qaybqaadashada bulshada iyo kor u qaadista wacyiga caafimaad ee shacabka.

 

Dardar Lagu Xoojinayo Ka Hortagga Cudurrada

 

Xuska Maalinta Kaneecada Adduunka ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ku xoojinayso ka hortagga cudurrada faafa, ilaalinta caafimaadka bulshada iyo yaraynta saamaynta cudurrada ay kaneecadu gudbiso.

Loading...
Loading...