Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL oo Shir Laba Maalmood Soconaya la Yeelatay Isku-duwayaasha Gobollada

0
Tuesday June 09, 2026 - 16:06:40 in News by Faisal Abdullahi
  • Visits: 49
  • (Rating 0.0/5 Stars) Total Votes: 0
  • 0 0
  • Share via Social Media

    Wasaaradda Horumarinta Biyaha JSL oo Shir Laba Maalmood Soconaya la Yeelatay Isku-duwayaasha Gobollada

    Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu...

    Share on Twitter Share on facebook Share on Digg Share on Stumbleupon Share on Delicious Share on Google Plus

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu...


Wasiirka Wasaaradda Horumarinta Biyaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Maxamed Cabdimaalik Axmed, Wasiir-ku-xigeenka Wasaaradda, Mudane Mukhtaar Muxumed Xaaji, iyo Agaasimaha Guud, Mudane Cabdishakuur Ismaaciil Xuseen, ayaa maanta kulan muhiim ah la yeeshay isku-duwayaasha Wasaaradda ee gobollada dalka.


 

Kulankan oo socon doona muddo laba maalmood ah ayaa diiradda lagu saaray qiimaynta xaaladda adeegyada biyaha, caqabadaha hortaagan horumarintooda, iyo sidii loo xoojin lahaa wada-shaqaynta u dhexeysa Wasaaradda, gobollada iyo degmooyinka dalka.



 

Sidoo kale, kulanka ayaa lagu falanqeeyey qorshayaasha lagu dardargelinayo helitaanka biyo nadiif ah oo ku filan bulshada, iyadoo la isla qaatay muhiimadda ay leedahay isku-duwidda hawlaha iyo kor u qaadista tayada adeegyada biyaha.


 

Masuuliyiinta Wasaaradda ayaa adkeeyey sida ay uga go’an tahay tayeynta adeegyada biyaha iyo xaqiijinta in bulshada ku nool dhammaan gobollada dalka ay helaan biyo nadiif ah, ammaan ah, isla markaana waara.


 

Kulankan ayaa qayb ka ah dadaallada joogtada ah ee Wasaaradda Horumarinta Biyuhu ku horumarinayso adeegyada biyaha, korna ugu qaadayso wada-shaqaynta hay’adaha heer qaran iyo heer gobol.

Loading...
Loading...